Thursday, January 8, 2015

Xuska Sanad Guurada Xukuumada Madaxweyne Gaas oo lagu qabanayo Garoowe

madaxtooyo
( Rayotv Borama 08.01.2015 ) Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa ka socda qaban qaabada xuska sanad guurada koowaad ee xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo 8 January Sandkii 2014ka loo doortay madaxtinimada Puntland isaga iyo ku xigeenkiisa Eng C/xakiin Camey.
ADVERTISEMENTS
Xaflada caawa ayaa la rajeynayaa in madaxweynaha uu ka jeediyo khudbad balaaran oo uu kaga hadlayo wax qabadka dowladiisa ay gaartay mudda sanadka iyadoo ay jirto in dhamaadkii sanadkii 2014kii wasaaraduhu soo bandhigeen wax qabadkooda.
Waxaa xaflada caawa ka qayb galaya golayaasha dowladda, masuuliyiin horay xilal kala duwan usoo qabtay, Abwaano, dadweynaha qaar ka mida iyo mart sharaf kale oo beesha caalamka ka mid tahay.

0 comments:

Post a Comment