Monday, December 22, 2014

War Ded-Deg Ah:Ciidamo Aad U Tiro Badan Oo Wata inka Badan 20 Gowaadhi Kuwa Gaashaaman Ah Oo Caawa Fiidkii Soo Gaadhay Magaalada Borama.


Borama(Rayo Tv)-Abaaro saacadu markay ahayd 6:30-kii africa-da bari waxa magaalada borama ee xarunta gobolka awdal soo gaadhay ciidamo aad u tiro badan oo wata inka badan 20 gaadhi kuwa gaashaman ah oo ay ku rakibanyihiin qoryaha darandooriga u dhaca kuwaasi oo sida wararku sheegayan in mudo ah ku hakaday duleedka magaalada.
Ciimadani ayaa sida qorshahoogu yahay waxa ay magalada borama usii dhafi doonaan dhanka degmada quljeed halkaasi oo ay horay ugu sii sugnaayeen qayb ka mid ah ciidama qaranka somaliland  ilaa hada ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka hogaamiyayaasha ciidanka horkacaya iyo maamulka gobolka awdal balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamadani isku balaadhin doonaan degmada quljeed iyo aagaga ku dhaw xuduudka ay Somaliland la wadaagto Dalka Ethopia halkaasi oo maalmihii u danbeyay la sheegayay inay ku suganyihiin Suldaanka dhawaan sheegay inuu ka goostay somaliland iyo xulafo taabacsan suldaanka.
Socdaalka ciidamadan caawa so gaadhay gobolka awdal ayaa waxa uu kusoo beegmaya xili maalintii shalay magaalada borama ka anbabaxeen madaxwayne ku xigeenka somaliland Md:Saylici iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo kuwaasi oo in mudo ah ku sugnaa magaalada isla markana kulamo kala duwan la yeelanayay Aqoonyahanada iyo Hogaanka dhaqanka ee gobolada galbeedka somaliland.

RAYO TV BORAMA

WIXII WAR AH EE KASOO KORDHA CIIDAMADAN SOO GAADHAY GOBOLKA AWDAL ISHA KU AHY BARTA WWW.TVRAYO.COM.

0 comments:

Post a Comment