Thursday, December 18, 2014

Daawo:Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Md:Saylici Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaadhay Magaalada Borama.

 
Borama(Rayo Tv)-Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici Madaxwayne ku xigeenka somaliland iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada borama ee xarunta gobolka awdal.
Madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyay Borama Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo,Xubno wasiir ah oo uu hogaaminayo wasiir cadami kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada.
Mudane Saylici Madaxwayne ku xigeenka somaliland oo warbaahinta ugu waramayay gurigiisa magaalada borama ayaa waxa uu ka hadlay u jeedada socdaalkiisa waxana uu sheegay inay u socdaan hawlo qaran oo dhawaanba socotay oo ay wadeen waftiga wasiirada ee kasoo horeeyay madaxwayne ku xigeenka.


                      RAYO TV
BORAMA

0 comments:

Post a Comment