Tuesday, December 16, 2014

Cumar Cabdirashiid Cali oo Muqdisho ka degay


Danjiraha Soomaaliya ee dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa wararku sheegayaan in uu maanta oo talaado ah ka degey magaalada Muqdisho isaga oo maalintii Axadda ka soo tegey dalka MaraykankaWararku waxay sheegayaan in subaxnimadii hore ee maanta diyaarad khaas ah oo sidda Danjiraha ay ka soo degtey garoonka diyaaradaha Muqdisho, qaar badan oo kamid ah taageerayaashiisa horeyna ay u soo wadashaqeeyen ayaa la sheegayaa in ay isu diyaariyeen soo dhaweynta laakiin ay garoonka tageen isaga oo soo degey sida uu u sheegey Horseed Media mid kamid ah siyaasiyiintii horey ula soo shaqeysey
Qaar badan oo kamid ah dariiqyada Mudisho ayaa subaxnimadii maanta xirnaa, waxaana wararku sheegayaan in la dejiyey mid kamid ah Hoteelada Muqdisho,waxaana hadda ka socda Villa Somalia diyaar garowgii u danbeeyey ee la doonaayo in lagu dhawaaqo Raysalwasaarihii beddeli lahaa Cabdiweli Shiikh.
Sababta uu u yimid Muqdisho Danjiraha dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegaya in uu safka hore uga jiro siyaasiyiinta loo malaynaayo in xilka raysalwasaaraha Soomaaliya loo magacaabayo kaas oo beddalay Raysalwasaare Cabdiweli Axmed Maxamed oo 6 Diseember waayey codka kalsoonida ee Baarlamaanka, kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha.
Haddii Madaxweyne Xasan Shiikh u magacaabo raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayuu noqonayaa Raysalwasaarihii u horeeyey ee Soomaaliya laba xilli, inkasta oo la sheego in Cumar Carte Qaalib uu Madaxweyne Barre u magacaabey raysalwasaare markii uu sii dhacaayey, kadibna Cali Mahdi dib u magacaabey markii USC xilka u caleema saartey 1991 Muqdisho ka hor shirkii Jabuuti ee dib loogu doortey.
Cumar Cabditrashiid Cali Sharmarke ayaa sanadkii 2009 ilaa dhamaadkii 2010 ahaa Raysalwasaarihii Soomaaliya xilli dalkui xaalad adag ku jirey.

RAYO TV
MUQDISHO OFFICE

0 comments:

Post a Comment