Tuesday, October 14, 2014

Dowladda Federaalka iyo Puntland oo ku heshiiyey 12 Qodob oo ka soo baxay shirkii wadaxaajoodka

Muqdisho{Rayotv} Shirkii ka socday wasaaradda Caafimaadka Puntland ee u dhaxeeyey dowladda Puntland Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo idlaaday iyadoo la saxiixay qodobadii ka soo baxay shirka oo socday muddo Saddex Maalin ah.

Ka hor inta aan la saxiixin qodobada lagu heshiiyey waxaa kulan yeeshay Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisal Wasaare C/wali oo ka hadlay qodobo u baahday in si qoto dheer looga hadlo ugu dambayntii la isku afgartay waxaana goobjoog ka ahaa shirkaas madaxda Puntland iyo Federaalka wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay, Danjiraha Afey.

Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Hinda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor akhriyey qodobada la isku afgartay goobta shirka ka socday, isagoo marka hore sharaxaad ka bixiyey heerarka uu maray shirka wadaxaajoodka.
Intaa ka dib waxaa siwada jira loo saxiixay qodobada la isku afgartay ee shirka wadaxaajoodka Waxaa Puntland u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas halka dowladda Federaalka u saxiixay Ra’iisal Wasaare Ca/wali Shekh Axmed.
Waxaa goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire, Gudoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cadballe Cawad, wakiilka QM Nicholas Kay, Danjiraha Ururka Goboleedka IGAD Maxamed Afey iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya sida Ethiopia oo qunsulka Puntland u jooga.

0 comments:

Post a Comment