Tuesday, August 12, 2014

Sida Cusbitaalada Magaalada Burco Loogu Gurmadey Ha loogu Gurmado Kuwa Gobolada Awdal iyo Salal , Iskuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolada Galbeed ,Dr.Abdiraxmaan Jamac Hadi


Iskuduwaha wasaarada caafimaad ee gobolada Awdal iyo Salal Dr .Cabdiraxmaan Jaamac Hadi ayaa waxa uu maanta ay Televisionka RayoTv waxa uu uga waramay xaalada guud ee caafimaadka ee gobolada galbeed waxana uu Cabdiraxmaan Jaamaca Hadi uu sheegay in guu dahaan xaalada Caafimaad ee gobolada Galbeed ay tahay mid iska liitada oo aad u hooysayso 
Iskuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolada galbeed ee somaliland waxa uu sheegay in dhamaanba haayadihii waxa siin jirey cusbitaalada Goboladaasi ay  ka baxeen taasoo dhibaato ku keentay Adeegyadii ay bxinayeen ay iska yardeeen 
Waxana uu sheegay  iskuduwuhu in dhamaanba markii ay haayada msf ay ka baxdey ay ka badey cusbitaalada magaalda Burco
Xukuumada somaliland ay gaadhsiiyey gar gar deg deg ah oo xooogan taasoo ay wasaarada caafimaadku horseedka ahayd 
waxana uu sheegay in waqtigan bisha August oo aan ku jirno in ay wax haayad ah oo ayna jirin ku sugan cusbitaaladagobolada 
Waxana uu fariin adag u direy haayada World Vision oo uu sheegay in ayna wax tix galin ah ayna siini wasaarada Caafimaadka ee gobolada Galbeed 
iyada oo uu ku sheegay in ay maqaaxi ka dhigatay iyada oo aan waxa tix galin siineyn dhamaanba masuuliyiinta wasaarada caafimaadka ee gobolka galbeed waxana uu si toos ah u sheegay in talaabo shatrciga waafaqsan laga qaadi dooono 


Wariye Ahmed Diirye Ciiltire
Rayotv Borama Office 
Somaliland 

0 comments:

Post a Comment