Thursday, August 14, 2014

Dhagasyo.Laba Caruura Ayaa u Dhintey Shuban Biyoodka Dilaacay Degmada Boon Gobolka Salal iyo Xukuumada Somaliland waxba qabana Shubanka Dilaacay


Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Booon ee ka tirsan gobolka Salal ayaa waxa uu khadka telphone kula lsoo xidhiidhey xafiiska war qabadka  Rayo Tv ee magaalada Borama  waxana uu soo sheegay in uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka waxana uu sheegay in ay dhibaato badan ka jirto degmadaasi oo ay la taacaalayaan Cudurka Shuban biyoodka  oo sababay dhimasho laba caruura  iyada oo caruur tiro
badan ay la ila daran yihiin cudurkaaasi shubana ka ah
Waxana uu Gudoomiye ku xigeenka Degmada Boon uu sheegay in laba caruura oo  uu dhalay ku dhacay cudurkan  shuban biyoodka ah
ilaa habeenki xalayna uu dhakhtarka kula jirey
Cudurkan Shuban biyoodka ayaa waxa uu imanayaa maalmo yar ka hor markii uu iskuduwaha wasaarada caafimaada gobolada Awdal iyo Salal  Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Hadi  uu ka dayriyey xaalada caafimaad deegaanadaasi in ay tahay oo ay ku sugan yihiin  xaaladii ugu liidatay ee soo marta
Waxana degmada boon ka muuqata  dacaylaana xaga baayiaha aas aasoiga ah oo ay xukuumada Siilaanyo ka gaabisay sida ay tahay guud ahaan Degmada Boon ee ka tirsan gobolka Salal

Wariye Ahmed Diiriye Ciiltire
Rayo TV Borama 
Office Somaliland

0 comments:

Post a Comment