Saturday, July 26, 2014

12 SAACADOOD AYAA WEEERARKA QAZA LAGA JOOJIYEY WEERARADII AY YUHUUDU KU HAYSAY


Maamulka Israa'iil iyo ururka Xamas ayaa ogolaaday in 12 saac ay hakiyaan dagaalka, si gargaar bani'aadannimo laa gaarsiiyo Qaza.
Xabbad joojinta ayaa ka bilaabmeysa saaka oo Sabti ah.
Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa xalay khudbad ka jeediyay magaalada Qaahira, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry.Mar sii horreysayna, Israa'iil ayaa diiday qorshe xabbad joojin joogto ah oo uu Mareykanka soo hindisay.
Mr Ban Ki-Moon ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo xilligii ay Xamas iyo Israa'iil si dhab ah u wadahadli lahaayeen.
Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry ayaa dhankiisa rajo ka muujiyay in xabbad joojin laga gaaro colaadda iyo duqeynta ay isra’iil ku hayso Qaza.
In ka badan 800 oo Falastiiniyiin ah, una badan rayid ayaa ku dhintay duulaanka ay Israa'iil ku qaaday Qaza.

0 comments:

Post a Comment