Friday, April 4, 2014

Wasiirka Daakhiliga Iyo Taliyaha Booliska Oo dalka ku soo laabtay


Hargeysa (Rayotv)-Weftigii uu hogaaminaayey wasirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade ee ay ka mid ahaayeen taliyayaasha ciidamadda Booliska iyo Qaranka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo dhamaysteen safar shaqo oo ay ugu magnaayeen dalka jabuuti.
Weftigan ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal Interanational ee magaaladda Hargeysa,ayaa Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay dawladda Jabuuti ka wada hadleen sidii ay isku kaashan lahaayeen labada dawladood Somaliland iyo Jabuuti,waxaana uu uga mahad naqay sidii wanaagsanad ee loogu soo dhaweeyey dalkaasi jabuuti waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo Dawladda Jabuuti sidii wanaagsanayd ee ay noo soo dhaweeyeyn oo muddo todobaad ah aanu ku maqnan runti waxaanu gaadhsiinay madaxwaynaha Jamhuuridda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele fariin aanu ka sidnay Madaxwaynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxauud Siilayaanyo,oo nuxur badan xambaarsanad hawlo badan oo labada dawladood ka dhexeeyana waanu ka wada hadalnay waxaanu ku dadaalnay in si dhaw oo walaaltinima layskaga kaashaddo waxaanay ku soo dhammaatay is afgarad qiimo leh oo wanaagsan.”
Cali Maxamed Warancade waxa uu tilmaamay in dawladda jabuuti dareensantahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Xukumadda Somaliland,waxaanu u tagnay dad iyo dal aynu saaxiib nahay oo aynu walaalo nahay oo dareensan waxa inaga dhexeeya jecel in aynu wada shaqayno oo isku soo dhawaano waxaanan u soo jeedinayaa dadka reer Somaliland in laga helo wanaaga dadka reer jabuuti natuseen,waxaan ka shaqaynay sidii dadka reer Somaliland iyo Jabuuti isku dhex galilahaayeen talaabo hourmar leh ayaanu ka soo qaadnay safarkaasi ay ugu wehelinayeen labada taliye Ciidan

0 comments:

Post a Comment