Wednesday, April 16, 2014

WAR DEG -DEGA WAXA DEEGAANKA NAGAADH LAGU SOO DAAD GUREYNAYAA QAXOOTGII KU SUGNAA DALKA JABUUTI


Wararka naga soo gaadhay deegaanka Nagaadh ee ah xadka u dhexeeya  Soomaaliland iyo Jabuuti ayaa waxay sheegeyan

In saddexdii cisho ee u dambaysay  lagu soo daad gureynayay Qaxootigii deganaa dalka jabuuti

Taasoo ay ka shaqaynayaan haayada UNCHR iyo Waasarada dib u dajinta Somaliland qaxootigaasi oo laga soo daad gureynayo xeryo qaxooti oo ku yaala dalka jabuuti

Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Salal ayaa horey ugu dayriyey qaladaadka ay galayaan haayada UNCHR iyo Wasaarada dib u dajinta Somaliland

Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee gobolka Awdal  Cumar Daahir ayaa waxa uu sheegay in in barakacayaal kasoo jeeda  gobolka  Awdal oo galay dalka Ethiopia .

ayna helin wax dib u dajin ah. waxana uu intaasi ku darey in qaxootigan la soo dajiyey ay keeni karo isku dhac beelaha walalaha ah ee wada  degan gobolka Salal

taasoo xukuumada Soomali land ay ay lug ku leedahay in ay qaxootigan la soo dajiyo

Wuxuuna sheegay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid  ee gobolka Awdal in ay waajib tahay in la soo celiyo dadkii ka barakacay deegaanada  degmada lugahaya iyo deegaano ka tirsan gobolka Awdal ay ubaahan yihiin in dib u dajin loo sameeyo ay ahayd hada ay ka maqan yihiin gobolka deeganadoodii ay ka deganaayeen .

Arrintan soo dib u dajinta qaxootiga ayaa waxay  ku soo beegmaysaa xili Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland uu safar shaqo ku yimid Magaalada Borama isagoo maalinta barito ah  ergo cuqaal ah oo ka socota Gobolada dalka oo tiradoodu dhan tahay 200

 taasoo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ucid uu sheegay in wasiirka wasaarada dib u dajinta soamiland uu ka shaqeeyey arrintaasi  ka dibna uu ka baxay dalka.

waxana arrintsan uu sheegay in Agaasimaha dib u dajintu u gacan weyn ku leeyahay qaxootigan waxana uu xukuumada ugu baaqay in ay ka foojignaanto in arrimaasi kicinayaan deka degan degmada Saylac ee Gobolka Salal


Cumar daahir ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay joojiyaan fara galinta ay ku hayaan xukumada somaliland   deegnada somaliland ee ka tirsan degmada 

0 comments:

Post a Comment