Thursday, April 3, 2014

Taliyihii qeybta gobolka Bari oo xilka wareejiyey

Taliyihii qaybta Booliska ee gobolka Bari Cismaan Xassan Afdalow ayaa maanta xilka ku wareejiyey Taliye cusub oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland, walow wareegtada aan lasoo gaarsiin Saxaafadda.
Munaasabada xilwareejinta ayaa ka dhacday xarunta qeybta ee magaalada Bosaaso, waxaana kasoo qaybgalay saraakiisha amamanka ee gobolka iyo bahda saxaafadda.
Waxaa ugu horeyn ka hadlay xafladda xil wareejinta Cismaan Xasan Cawke Afdalaw taliyihii hore, waxa uuna sheegay in maanta xilka si toos ah ugu wareejiyay taliyaha cusub ee loo soo magacaabay xilka.
”Sababta aniga la iigu bedelay, waa sabab aniga aan keenay oo aan ahayn wax cid kale ka timid , waana codsi aniga iga imid,” ayuu yiri Afdalaw.
Wuxuu ballan qaaday Afdalaw in uu la shaqeyn doono taliyaha cusub lasoo magacaabay
Taliyaha cusub C/raxmaan Cali Cabaas oo ku magac dheer Muslim ayaa munaasabada xilwareejinta ka amaanay Taliyihii hore shaqada usoo qabtay mudada uu xilka hayey.
Wuxuu intaas ku daray in xilka loo dhiibay ay kusoo beegantay xilli xasaasi ah isla markaana uu wax ka qaban doono arrimaha amaanka ee gobolka Bari.
Col Afdalow ayaa labo jeer loo magacaabay Taliyaha qeybta gobolka Bari, waxaana uu mar sidoo kale noqday Taliyaha qeybta gobolka Nugaal.
Xilwareejinta ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu shalay digreeto ku magacaabay Gudoomiyaha cusub gobolka Nugaal isla markaana xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore..

0 comments:

Post a Comment