Wednesday, April 2, 2014

HORUMARKA, KAALINTA DOWLADU KAGA JIRTO IYO SIDUU U SAAMEEYAY BULSHADA JAMHUURIYADA SOMALILAND


xaalada maanta aan ka hadlayo waa mid aan u baahanahay  wakhtigeediina joogno. Xaalada wadan ee horumarineed markaan ka hadlayo waxaan kusoo koobayaa  laba qaybood oo  loo baahanyahay inaa aadloo darso:
Kheyraadka dadka inaa la hormariyo oo dadka lagu wacyi galiyo wadanimada iyo sidii loo ilaashan lahaa dowladnimada. laguna tababaro oo la dareensiiyo inuu qofwalba xaq uleeyahay wadanka,qofwalbana ogaado tuulo ha joogo mise  magaalo ha joogee.  bartaan yaqiinsadaan sida dhulka wax looga soo saarto si loo gaadho isku filnaansho waayo qalbiga saliimka ahi wuxuu ku jiraa bili aadamka caafimaadka qaba.
Kheyraadka dhulka waa astaanta labaad ee dhaqaale laga dhalinkaro wadankuna tahay meelaha hadii laga shaqaysiiyo uu kula tartami karo inuu gaadho xaalada afka qalaad loo yaqaano (development) horumarka.waayo dhulkeena waxa ku yaal meelo badan oo loo baahanyahay inaa laga faaideysto  sida shiidaalka,aasaarta qadiimiga ah,xayaawaanaadka beriga iyo kuwa badaba. Rasuulkuna wuxuu yidhi: wax ka kheyr badan ma jiro inuu qofku quuto wuxuu gacantiisa ku soo shaqaystay wuxuuna ahaa nabi  daa’uud kii ka shaqeeya xadiidka ilaahayna waxa uu leeyahay waxan u jilcinay xadiidka
Hadaan wadankeena intaas ku dabaqno dadkii  wey jiraan laakiin sidii loo baahnaa uugama faaideysano awoodaha aan leenahay ee Allah nagu manaystay. Allaah quraanka kariimka ah wuxuu ku cadeeyay; “ilaahay wuxuu uugu balanqaaday kuwa ilaahay iyo rasuulkiisa rumeeyay ee camalka saalixa laga helay inuu ilaahay arlada khaliif uuga dhigayo uuna makansiin(u dhiibi doono) doono arlada siduu u makansiiyey kuwii idinka horeeyay (suurathul nuur).
Laakiin inta uugu badan bulshadu waxaan noqonay sidii’ awrkii xoogiisa laga qariyey’. Aan ilownay inuu ilaahay awood dheeraada na siiyey. Wallow ay jirto inay dowladu ka qayb qaadato horumarka laakiin sidii loo baahna uma wad gaadhin bulshada, waxyaabo xakameeyo ama ay ka gudbi laadahay  oo dhinacyo badana ayaa jira. waayo hadii la sheegi waayo meelaha ay dowladu ku daciifka tahay   una sheegi waayo sida ugu haboon ee loo sixi karo, waxaan noqonaynaa kuwo dalkooga la raba inuu dib u dhaco oo wadamadaan la tartamayney ka hadhno. mida meesha taala waxa weeyi inaa la sheego dhaliisha  sida ugu toosan  oo ah inaa shakhsi wax laga sheegin laakiin shaqadiisa ama afkaartiisa  wax laga sheego .taasna hadaynu samayno waa waxa kaliya ee aan kula tartami karno wadamada la hiigsado ee dunida horumartay.
Gabaygani wuxuu dhiirigalinayaa bulshada horumarka   jecel:
Waxay bulsho horumartaa
Dadkeeduna hodan noqdaa
Dhigeedana hiigsataa
Horseedkanu guul noqdaa
Markay himiladu jirto
Markay hirashadu saxtahay
Markay hadaf qudha toshaan
Waxay bulsho horumartaa
Dhaqaale hodan noqdaa
Barwaaqduna hoobataa
Dhulkooda markay hufaan


                                                                                                                                                                                              Xaaladaas sidaan uuga baxno ayaa waxa muhiima inaan qaacidadan aan qaadano:
         inuu qofku haysto waxyaabihii nolosha aasaasiga u ahaa sida wuxuu quuto,hu uu xidho,hoy uu galo iyo waxbarasho tayo leh.
         Qofku inuu garwaaqsado oo uu rumaysnado inuu isagu waxqabsankaro dadkiisa wax uqabankaro
         Inuu qofku  xaq uleeyahay wixii sharciga waafaqsan iyo diinta inuu sameeyo ee anfacaya wadanka hormarkiisa
Sadexdaa xaaladood  aan korkusoo sheegnay waxbaa nooga fuley waxna rajadeeda waa mid ku xidhan inaan la imano kartideeda,dowladuna dadaalkeeda sii laba jibaarto.
Waayo caqliga fayoobi wuxuu ina farayaa inaa la is ixtiraamo la iskudulqaato oo la isa saxo la iskuna  nasteexeeyo,wixii khaldana la iska joojiyo,wixii saxsana la isku taageero waana caqiidadaan haysano. Dhinac kalena hadaan ka eegno waa horumar geesinimo leh oo ay umadaasi gaadhay.
 horumar walba oo la gaadho  bulshadaa horseed u ah dowladuna qaybteeday ka ciyaartaa. sidaas darteed bulshadu kaalin aad u muhiim ah ayey ka ciyaartaa hormarka.marka la helo bulsho ujeelan horumar  iyo isbadal waxay fududeeyaan in si sahlan loogu talaabsado horumar  lataabankaro.waxaa tusaale cad inoo ah wadama badan oo dunida ka mid ah sida jaban iyo Russia oo khayraadka dhulku gabaabsi ku yahay ay xirfado iyo aqoonta bulshadoodu u sahleen horumarkaasi muuqda. Waxan ka dheehan karnaa  taas in kobcinta xirfadaha iyo aqoonta bulshadu ay marwalba aasaas utahay horumarka dhabta.bulsho walba waxay bulshada kale kaga horaysa wax istarka,wax wada qabsiga iyo istaakulaynta dhexdooda.sidaas darteed bulshada laga helo sifooyinkan waa mid ku suntan horumarka. Dalkeena hadaan ku dabaqno sifooyinkan gaarka ah waa mid dhawaanahan laga arko bulsho waynta Somaliland waana ifafaalo wanagsan iyo neecow udgoon oo horumarineed.
W/Q:- yoonis osmaan aarayte
Email:- aarayte733@hotmail.com
Boorama/s/land

amoud university faculty of economics and polotical sceince senior

1 comments:

  1. SXB RUN AHAANTII WAXA CAD OO AAN MARNABA INDHAHA LAGA QARSAN KARIN HORUMARKA BALADHAN EE LAGA GAADHAY BAAHIYAADKA AASAASIGA SIDA WAXBARASHADA, WADOOYINKA, CAAFIMAADKA, CASRIYEYNTA MADAARADA DALKA, SIYAASADA DIBADA OO GUULO WAXKU OOL AH LAGA SOO HOOYEY, DARAJADA CIIDAMADA IYO HORUMARINTA ADEEGYADA CIIDAMADA POLICE KA. LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA OO LOO SAMEEYEY RRU IYO WAXYAABO BADAN OO AAN LASOO KOOBI KARIN...................WAXAAN AAD UGU MAHADNAQAYNAA XUKUUMADA UU HOGAAMINAYO DHAQAALEYAHANKA WEYN EE MADAXWEYNE AXMED MAXAMED MAXAMUD...............

    ReplyDelete