Friday, March 28, 2014

Xukuumadda Turkiga oo xanibtay Barta Youtube


Dowladda Turkiga ayaa xirtay oo aan wadankeeda laga isticmaali Karin barta Youtube oo la isku dhaafsado muuqaalada isla markaana qayb ka ah baraha dadweynaha aad u isticmaalan.
Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii maxkamad ku taalla isla Turkiga xukuntay in xanibaada barta twitterka oo todobaad kahor laga joojiyey isticmaalkiisa.
Joojinta isticmaalka Youtube ayaa timid kadib markii lasoo geliyey cod si sir ah loo duubay oo ah shir ay yeelanayeen saraakiisha milateriga ee Turkiga. Shirka ayaa ku saabsanaa sidii talaabo milateri looga qaadi lahaa Syria.
Ra’iisul Wasaare Erdogan oo beriyahan ku jiray olole doorasho ayaa ku eedeeyay baraha dadweynaha in lagu faafiyey warbixino aan jirin oo ka dhan Turkiga.
Khuburo ayaa sheegaysa in laga yaabo talaabada xigta ay noqon doonto xakinta ama joojinta isticmaalka barta Facebook

0 comments:

Post a Comment