Sunday, March 30, 2014

Xasan Shiikh oo ku sugan Baydhabo welina aan la kulmin dhinacyada Baydhabo isku haya


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa la geeyey xero ciidan oo AMISOM ku leedahay Baydhabo.
Magaalada Baydhabo waxaa ka jirey maalmihii u danbeeyey dibadbaxyo rabshada wata, kadib markii laba maamul looga wada dhawaaqey Baydhabo. Iyada oo la saadaalinaayey in madaxweynuhu arrimahaas dhex-gelidoono. Kooxda uu Madaxweynaha u doortey Madoobe Nuunow ayaa tan iyo saaka ku sugnaa xarunta ADC ee shirkoodu ka dhacay, laakiin Madaxweynuhu ma booqan, sidoo kale kooxda kale oo Madaxweynaha u doortey Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa iyaguna ku sugnaa Hotel Bakiin.
Dibadbax looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Baydhabo ka dhacay kaas oo ay dhigeen koox dhalinyaro ah oo taageersan maamulka sheegtey 6-da gobol ee uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow, kadib marki ay magaalada soo gashey in Madaxweynuhu boqanayo Hotel Bakiin.
Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in Madaxweynuhu aanu la kulmeyn labada dhinac laakiin Wasiiradda la socda sida Wasiirka Dekadaha iyo Gaadidka Badda uu u xilsaarey in ay la kulmaan dhinacyada Baydhabo isku haya.
Ninka Madaxweyne ku-xigeenka u ah Madoobe Nuunow ee maamulka 6-da gobol oo la yiraahdo Maxamuud Sayid sheegey ayaa sheegay in horey loogu wargeliyey booqashada Madaxweynaha, ayna u diyaar garoobeen tan iyo maantana ay sugayeen laakiin aanu weli soo booqan Madaxweyne Xasan Shiikh, Sayid ayaa ka digey in amaanka madaxweynaha aysan damaanad-qaadi karin haddii uu isku dayo in uu boqdo Hotel Bakiin, mar uu uu waraysi siinaayey VOA.
Xafiiska Madaxweynaha ayaan wax faahfaahin ah ka bixin safarka aan horey lo shaacin ee Madaxweyne Xasan Shiikh maanta oo Axad ah ku tegey Baydhabo oo xiisadani ka taagneyd todobaadkii u danbeeyey

0 comments:

Post a Comment