11 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiiradaan, ayaa waxaa horkacaayay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), waxayna ka soo amba baxeen Magaalada Muqdisho.

Wasiirada, ayaa waxay Magaalada Baydhabo ay siyaabooyin kala duwan ugula kulmayaan Ergooyinka, uu shirarka kala duwan uu kaga soconaayo Xarunta Gobolka Baay.

Aadan Saransoor oo Ergooyinka Maamul U Sameynta 3-da Gobol kula kulmay Hotel Bakiin, ayaa waxa uu sheegay inaanay dib Magaalada Muqdisho ugu laaban doonin, ilaa ay isaga soo dhaweynayaan labada Ergo, sida uu yiri.

Saransoor wuxuu kaloo sheegay in Xukuumadiisu ay rajo weyn ka qabto, in xal kama dambeys ah laga gaaro shirarka isdiidan ee hareereeyay Magaalada Baydhabo.