Saturday, March 29, 2014

Wasiirka Madaxtooyadda oo soo dhaweeyay Dallad ay samaysteen shirkadaha Laydhka Burco


Hargeysa (Rayotv)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo dhaweeyay dallad ay ku bahoobeen shirkadaha laydhka u shida magaaladda Burco oo uu maalin ka hor xaflad loogu wan-qalayay kaga qeyb galay magaaladda Burco.
Wasiirku waxa uu sheegay inuu ku farxay dalladaasi oo ay ka muuqato midnimo, waxaanu yidhi “Waxaa ii farxad iyo rajo badnaan ahayd in aan caawa (habeen hore) ka qayb galay Munaasabad loo sameeyay dallad ay ku bahoobeen shirkadaha korontada ee Burco Waxay ahayd madal sharfan oo sharaxan isla markaana kulmisay shirkadaha uugu waawayn dab-qaybinta degmada Burco.
Shirkadaha ku bahoobay dalladan ayaa kala ahaa KAAH, SOMTEL, PLAZA, BEDER, isla markaana la baxay magaca Horn ElectricityCompany “HECO”
Waxaan ognahay kaalinta ay korontadu kaga jirto kor u kaca dhaqaale ee dal ku talaabsado, maadama warshad walba oo la hirgalinayo ay u baahan tahay tamar koronto oo xoog badan,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay shabakadiisa guusha.com.

Wasiir Xirsi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaa marag ma doon ah qiimaha midowga iyo iskaashigu ku leeyahay kor u kaca dhaqaalaha iyo isdhex galka bulshooyinka Samaynta dalladan kulmin doontaa shirkadaha korontadu waxaa hubaal ah in ay wax badan ka tari doonto helida koronto tayo badan leh isla markaana qiimo jaban.Waxaan soo dhawaynayaa isku geynta cududa iyo caqliga ummada iyo sidoo kale abuurida shirkado la wada leeyahay.Wa Bilaahi Tawfiiq.”

0 comments:

Post a Comment