Tuesday, March 18, 2014

Warsaxaafadeed ka soo baxay qareemada gobolka Sanaag


Warbixin Kasoo Baxday Xafiiska Ururka Qareenada Somaliland "SOLNA" Ee Gobolka Sanaag


Ceergaabo (RAYOTV) Warbixintan oo kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha Ururka 

Qareenada Somaliland Ee Gobolka Sanaag ayaa Ururka Solna Ee heer gobol 
waxay si qoto dheer ugaga hadleen heer cadaalada, Maxaabiista, 
Garsoorka iyo Adeega kaalmada Sharci ee dan yarta iyo dadka aan iyagu 
doodi karin ee ku dhaqan gobolka sanaag gobolka sanaag ay u fidiyaan. 
Anigoo kuhadlaya afkayga afka xafiiska ururka qareenada ee gobolka 
sanaag ahaan qaybta kaalmada sharci iyo afka bulshada danyarta ah ee 
ubaahan in ay helaan fursad cadaaladeed. 
waxan halkan kusoo gudbinayaa warbixin kusaabsan waxqabadkayagii 
xafiis ahaan madaama ay Maanta tahay 17/3/2014 lagana joogo mudo sanad 
ah xiligii aanu Warbaahinta adiin soo marinay Warbixintii ka 
turjumaysay bulshada danyar ta ah ee aanu siino kaalmada sharci taas 
oo ku taariikhaysnayd isla 17/3/2013 Warbixintaasi oo aanu adiin kusoo 
bandhignay maalintaas 623 dacwadood oo aanu siinay kaalmo sharci 
sadexdii sano ee lasoo dhaafay kana horeerey maalintii aanu 
warbixintayadii hore soo saaray 
hadaba anigoo tixraacaaya warbixintayadii kutaariikhaysnayd 17/3/2013 
waxan halkan kuiftiiminayaa waxyaabaha xafiis ahaan noo qabsoomay wana 
sidan mudadaas sanadka ah waxaanu maxkamadaha derejoojinka iaad iyo 2 
aad kameteley 194 dacwadood kuwaas oo dhamaantood go'aamo kala duwan 
laga gaadhey waxana maanta garsuge ah 41 maxbuus oo dhamaantood aanu 
siinay kaalmo sharci kuna jira xabsiga dhexe ee ceerigaabo 7 
raf-canlayaal ah kuwaas oo kabaxsan 194 aan hore usoo sheegay waana 
bishii uu ugu badnaa rumaanku intii sanadkan ayaan odhan karaa 
hadaba iyadoo ay garsuge yihiin 41 maxbuus hada majiraan wax mudada 
rumaankoodu dhaafay xiligii sharcigu uqoondeeyey markalaga reebo 
halkiis oo dhiig ah oo ay u xidhan yihiin mudo sanad wax dhiman ah 6 
maxbuus kaas oo ah mid duruufihiisu aad uqalafsanyihiin.ayna suura 
geli weydey in uu si dhaqso ah dhegeysigiisu ubilaabmo kulamona aanu 
kalayeelanay garsoorka iyo xafiiska xeer ilaalintaba taasina waxay 
muujinaysaa sida wax weyni isaga bedeleen garsoorka iyo ha adaha 
sharciga ee ay wada shaqeeyaan garsoorka 
hadii aan inyar ka iftiimiyo xaga dhaqan gelinta sharciga iyo bulshada 
nugulka ah sida ay uhelaan nidaam garsoor oo ay gaadhi karaan marka 
loo eego xiliyadii here anigoo kaqiyaas qaadanaaya 194 dacawadood oo 
siyaabo kala duwan udhacay aanuna marti uga noqonay garsoorida xubno 
garsoor oo kala duwan waxan odhan karaa waxa badan ayaa isbedelay oo 
xaga horumarka ah marka aan sidaas leeyahay ma aha in dhamaan 
dacwadahaas aanu kuwada gar helay ama ay udheceen si naraali gelisey 
balse waxan taas bar bar dhigayaa xili ay jireen hadii maxaabiis 
intaas legi xidhan yihiin ay kalabadh ahaan jireen muda dhaaf ama 
xiliyo aanu waayiba jirey mudo bila ah nuqulada xukunada oo aanu 
dhinac kanahay ama ay yarayd cid waxa kaantarooshaba,dhamaan 
arimahaasina waxa ku amaanaya garsoorka aanu wada shaqayno gudiga 
cadaalada iyo madaxweynahaba. 
xaga xeer ilaalinta waxa jirtey in xiliyada qaar ay xabsiga aad ugu 
badnaan jireen dad uxidhan dacwado medeni ah.waxa kaloo nasoo mari 
jirtey xiliyo aanaan helijirin xaashida eeda ee maxbuuska aanu 
metelayno.dhamaan caqabadahaasina hada way dabar go een ayaan odhan 
karaa waxan amaan weyn usoo jeedinayaa xafiiska xeer ilaalinta iyo 
ciidanka asluubta.oo iyaguna si hufnaan iyo wadaniyadi ku dheehantahay 
u tix geliya xuquuqda maxaabiista iyagoo aan waxaba udhimayn 
shaqadooda ku eg haynta qof sharci qabtay .sidaa awgeed waxan bulshada 
karaaligelinayaa hadii ay jireen shaqsiyaad kaxanaaqsan dacwad ay 
dhinac ka ahaayeen oo laga xukumay ama qaar aragtikale kaqabey.amakuwo 
eedaymo kulul xeer ilaalintu saartay iyo wixii lamid ah waxan leeyahay 
malihi wax waliba waa boqolkiiba boqol ee wax leeyahay waxabadan ayaa 
inoo kordhay xaga kudhaqanka sharci iyo nidaamka garsoorida waxana 
daliil u ah sharaxaada aan bixiyey iyo 
Gudoomiyaha Solna Ee Gobolk Sanaag 
Qareen Cali Siciid Jaamac "Cali Foolow"

0 comments:

Post a Comment