Wednesday, March 12, 2014

Wareegtada Wasaaradda Hawlaha Guud: Sharciyaddeeda Iyo Bogaadinteeda

Wareegtada Wasaaradda Hawlaha Guud: Sharciyaddeeda iyo Bogaadinteeda!
Annigu qof ka hadli maayo. Waxaan ka hadlayaa xafiis, awood sharci, wareegto, go’aan iyo talaabo ku dhaqan sharci leh. Waxaan ka hadlayaa Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ee summaddeedu tahay WHG/G/XW/117/2O14 oo soo baxday 10/3/2013-ka. Waa wareegtada ay qoonsadeen Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, taasi oo ay ku sheegeen mid sharci-darro. Golaha Deegaanku xaq buu u leeyahay inuu wareegtadaasi ka jawaabo, waxaase qurux badneyd inay qoraal kaga jawaabaan. Waxaa wanaagsanayd inay dhaliisha meesha ka saaran. Wasiirku dhaliil muu sameyn, iyagana waxay ahayd, haddiiba ay shir-jaraa’id kaga jawaabayaan inay luuqad dawladnimo iyo ixtiraam wada-shaqayneed ka muuqato ku hadlaan. Imikase sidii dad shacab ah ayey wax u dhaliileen. Waxaaba la odhan karayey, way caytameen. Taasi aan intaasi ku dhaafo. Mawduuca u kaalay.

Wareegtadani kor ku xusan, ujeeddadeedu waa joojin sharciyeynta iyo qorsheynta dhulka bannaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danaha guud. Waxay amray ku bixinaysaa afartani qodob:

1.     Waxaa la joojiyey laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyeynta dhulka lagu tilmaamo beeraha ilaa amar danbe.
2.    Dawladdaha hoose ee dalka waxa reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta oo uu yahay sida ku cad; Qodobka 3-aad ee xeerka ismaamulka dhulka ee Xeer No; 17/2001.
3.    Waxa ka reeban Dawladdaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
4.    In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda sida ku cad wareegya madaxweynaha JSL ee dibu soo celinta iyo gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda cidii ku cadaato arrimaha qoddobkan ku qoran kuma yeelan doonto xukuumadda Mag-dhaw.
Waa afartani qodob, wareegtadani ay Golaha Caasimadu ka qaylinayaan. Haddaba, afartani qodob sharci ma yihiin mise maaha? Kolba mid inoo soo qaad, bal ila arka sharciyaddooda.
1.   Waxaa la joojiyey laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyeynta dhulka lagu tilmaamo beeraha ilaa amar danbe.

Ugu horeyn, Dawladdaha hoose ma awood bay u leeyihiin inay qorsheeyaan oo sharciyeeyaan beeraha? Maya, awood uma leh. Haddaa yaa awood u leh? Waxaa awood u leh Guddida Naqshadaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud. Sida ku xusan Qodobka 5(1) Xeerka Lr. 17/2001-da, Dawladda hoose marnaba malaha qorsheynta dhulka oo qodobku wuxuu leeyahay ‘Naqshadda guud ee magaalo ama qaybo ka mid ah waxaa soo codsanaya Maamulka Dawladda Hoose, mar kasta oo ay timaado baahi keenta fidinta Magaalo ama sameynta degsiimo cusub, iyagoo tilmaamaya jiidda ay codsanayaan in la qorsheeyo.’ taasi waa dhulka magaaladdu gaadho iyo qorsheyntiisa iyo naqshadayntiisa guud. Sidoo kale, Dawladda hoose awood uma laha bixinta iyo sharciyeynta dhulka beeraha ah ee ay naqshada magaalo gaadho. Waxaana caddeynaya Qodobka 8(1) Xeer Lr. 17/2001 oo odhanaya ‘Maamulka Dawladda Hoose waxaa ka reebban in ay bixiso dhul ku yaala meelaha: Macdanta, dhul-beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’ Qodobkaasi sidaasuu ku cad yahay inay wareegtadu ku saxsan tahay.

2.   Dawladdaha hoose ee dalka waxa reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta oo uu yahay sida ku cad; Qodobka 3-aad ee xeerka ismaamulka dhulka ee Xeer No; 17/2001.

Qodobkani sharciyaddiisa in muran laga keenaba may ahayd waayo si cad oo la fahmi karo ayuu xeerka ugu qoran yahay. Waxaan ku soo koobayaa oo qudha in sharci ahaan, hay’adda qudha ee naqshad dhul sameyn kartaa ay tahay Guddida Qaran ee Naqshadaynta Dhulka oo uu Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidku uu Guddoomiye u yahay. Sida ku xusan Qodobka 3(1) Xeer Lr. 17/2001-da, waxaa guddida soo raaca Xafiiska Naqshada ee Wasaaradda Hawlaha guud oo markuu helo amarka guddiga qaran ee naqshadaha dhulka magaalooyinka u sameynaya naqshad guud (Master Plan), oo lagu muujiynaayo dhulka loogu talo galay degsiimada, warshadaha, ganacsiga iyo dannaha guud. Sidaynu hore u sheegnay, Dawladda hoose markasta oo ay u baahato naqshadayn dhul waa inay codsataa.

3.   Waxa ka reeban Dawladdaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
Waa arrin sharci ah, lagamana murmi karo tani. Sida ku xusan Qodobka 7(3) Xeer Lr. 17/2001 ‘Beer kasta oo magaaladu gaadho waxaa danguud looga jarayaa 30% cabirkeeda guud, waana in lagu muujiyaa naqshada guud.’ Sida uu dhigayo Qodobka 8aad ee xeerkani dhulka, Dawladda hoose waxaa ka reeban bixinta ‘dhul ku yaala meelaha: Macdanta, dhul-beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’ Iyadna halkaasi kaga kaalay.
4.      In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda

Markasta oo laga hadlayo bixinta iyo maamulista dhulka, waxaa sal u ah mabda’a odhanaya ‘Ilaahay ka sokow, dhul oo dhan dawladda ayaa iska leh’ sida ku xusan Qodobka 1aad ee Xeer Lr. 17/2001-da ‘Eebe ka sakow, guud ahaan dhulka jamhuuriyadda Somaliland waxaa leh Dawladda Somaliland (Sida uu tilmaamayo qoddobka 12aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurku) sidaa awgeed awooddiisa maamul, wareejintiisa iyo soo jeedintiisa sharci- u -dejineed waxay gaar u tahay Golaha Xukuumada.’ Taasi waaba dhulka oo dhane ka kaalay, wax alla wixii dan guud ah sida xafiisyada iyo guryaha dawladda waxaa mamuulkooda iska leh Dawladda Dhexe, waxaana uga masuul ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka. Waxaanay ku caddahay Qodobka 2(2) ee xeerkani dhulka.

Golaha Deegaanku qodobkani way qaateen. Sharcinimadiisa waxba kamay odhane, waxay se yidhaahdeen ‘Madaxweyne, adiga wareegtadaadu waa sharci’ iyagoo daba socda xeerkii Madaxweyne ee summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014, ee soo baxay. Bal haddaba, aynu qoraalkani ku soo gebogebayno waa maxay awooddaha Dawladdaha hoose ee dhulku?

Waxaynu soo qaadanayaa oo inagaga filan hal qodob. Sida ku xusan Qodobka 2(1) ee xeerkani dhulka ‘Maamulka iyo bixinta jagooyinka dhisme ee magalooyinka ( degmooyinka ) dalka JSL, waxaa iska leh maamulka Dawladda Hoose ( Guddiga Fulinta ee Dawladda Hoose).’ Dhulka ay magaaladu gaadho marka la qorsheeyo ee loo kala saaro degsiimo, warshado, ganacsi iyo dan guud, ayey Dawladdaha hoose xaq u yeelanayaan inay maamulaan oo qof wax ka siiyaan iyagoo wadada sharciga ah u maraya dhulka degsiimada loogu talogalay. Wax dhul ah oo dhaafsiisan dhulka degsiimada loogu talogalay shaqo kuma laha. Xildhibaannadu waxay si qaldan u addeegsadeen Qodobbada 110, 111 iyo 112aad ee Dastuurka Qaranka oo ka hadla nidaamka dawladdeed iyo maamul daadejinta (Governance System and Decentralization) oo aan arrintani toos ula xidhiidhin. Qodobbada kale ee ay ku dooddayeen waa 
Qodobbada 4, 5, 6, 8 iyo 31 ee xeerkani dhulka. Waxaan ku qoslay in Qodobadani badankooga oo kor ku sharaxay ay si cad uga hadleen arrintani. Waxaa iyadna naxdin ah in Maayar ku-xigeenku uu xeerkani oo ka kooban 35 qodob oo qudha uu haddana ku dooddo Qodobka 68 ee Xeer Lr. 17/2001 oo aan jirinba, isagoo ku soo daray qodobbada uu sheegayey inay awood u siiyeen maamulka dhulka danta guud.

Markaynu eegno Qodobbadani ay sida fudud iskaga yidhaahdeen ee qaarkoodna aanay jirinba, waxaynu u fahmaynaa inay ka badheedheen sharci iyo sharci-darroba inay wax waliba sidii hore ugu socdaan. Arrinta uu wasiirku wareegtada ku xusayna way jirtaa.

Waxaan Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ku bogaadinayaa talaabada wanaagsan ee ay ka qaadeen ilaalinta hantida qaranka iyo danta guud. Waxay kamid tahay talaabooyinka ay tahay in xukumadda lagu taageero. Indhaheenu waa inay waxqabadka arkaan. Garaadka wanaagsani wuxuu ina farayaa inaynu garab istaagno talaabooyinka horumarka ah, kana hadalno waxyaabaha khaladka ah ee aynu aragno. Waxqabad iyo maamul-xumo midkoodna indhaheenu yaanay arki waayin. Wax kasta aynu ka run sheegno. Wanaag oo dhami mahadda alle ayuu u sugnaaday (SW).



0 comments:

Post a Comment