Monday, March 17, 2014

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee Puntland

Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland ayaa Isniin kasta isugu yimaada shirkoodi caadiga ahaa, waxaana shirka ay uga hadlaan xaaladda dalka iyo shaqooyinkooda. War-saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada shirkoodi ayaa lagu sheegay in looga hadley Miisaaniyadda, Amniga isla markaana lagu dhegaystey warbixin ku saabsan socdaalkii Madaxweynuhu ku tegay dalka Jabuuti. War saxaafadeedka ayaan lagu soo hadal qaadin Booqashadii kediska ahayd ee Madaxweynaha Somaliland ku tegey magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
War muurtiyeed :-
Kulankii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada iyo Qodobadii ka soo baxay.
1- Miisaaniyada
Waxaa maanta shirkii golaha wasiirada lagu ansaxiyey miisaaniyadii sanadka 2014 inta ka hadhay ee laga bilaabo bisho 4aad ee sanadkan ilaa bisha 12 aad.
2- Dhinaca amniga:
Waxaa la isla soo qaaday in beesha caalamku ay si isku mida uga qayb qaadato taageerada ay ku bixiso ladagaalanka argagaxisada ee ka socda guud ahaan gobolada Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dawlada Puntlan Puntlandd hesho qaybteeda taageeradaas.
3- Socdaalkii Madaxweynaha
Wuxuuna Madaxweynaha puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas uga mahad celiyey madaxweynaha jabuuti iyo dadka reer jabuuti sida walaaltinimada iyo kal-gacalku ku jirto ee ay dadka soomaaliyeed u garab taagan yihiin.
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu xusay in Dolwadda jabuuti iyo Dowladda puntland is-ka kaashan doonaan xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo iskaashiga ganacsiga iyo horumarinta mashaariicda.

0 comments:

Post a Comment