Tuesday, March 18, 2014

WAR DEG DEG: Ciidanka Dowlada Oo Gabi ahaan La Wareegay Xadka Gobolada Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe


Waxaa goor dhow la xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Ciidamada Amisom, ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Ciidamada waxay si nabdoon ay ku gaareen deegaanka Fiidow, oo ah halka ay iska galaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu guuleystay in la saaro dagaal-yahanada Al Shabaab.

Gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Amisom iyo dabaabaadka dagaalka, ayaa saakay ka ruqaansaday deegaanka Buurane, oo dhaca duleedka Degmada Mahadaay, waxayna si toos ah u gaareen deegaanka Fiidow.

Labada Ciidan, ayaa deegaanka Fiidow kahor waxa ay la wareegeen gacan ku haynta Kanaalka Shiinaha iyo halka loo yaqaano Dhiin-garas, oo ay ku xoog badnaayeen Shabaabka.

Daa'uud Xaaji Ciiro, Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in labada Ciidan aysan wax iska horimaad ah kala kulmin Xoogaga Shabaab

0 comments:

Post a Comment