Wednesday, March 26, 2014

War deg-deg ah: Ceelbuur oo ka baxdey gacanta al-Shabaab

War deg deg ah oo soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in magaalada Ceel buur ee gobolka Galguduud laga qabsadey ururka al-Shabaab oo muddooyinkan ka talinaayey halkaas. Ciidamada Itoobiya ee hadda ku socda magaca AMISOM, kuwa Dowladda iyo Malayshiyada ahlu-sunnah ayaa todobaadkan ku sii siqaayey halkaas iyada oo dagaalo goos goos ah ay jidka ka dhacayeen.
Subaxnimadii hore e saaka ayaa dagaal aad u culus laga soo sheegay duleedka Galbeedka ee magaalada Ceelbuur, malayshiyada al-Shabaabka ayaa la sheegayaa in ay ku baxsadeen waddada aada dhanka xeebta.
AMISOM ayaa xaqiijisey in ay gudaha u galeen magaalada Ceelbuur oo kamid ahayd goobaha al-Shabaab ku xidideysteen isla markaana tababarada gobolada dhexe lagu bixin jirey, SIdoo kale Ceelbuur ayaa ahayd goobaha ganacsiga ay al-Shabaab u isticmaalaan.
Magaalada Ceelbur ayaa noqoneysa midii 9aad ee al-Shabaab lagala wareego tan iyo markii uu dib u bilowdey dagaalka al-Shabaab ka dhanka ah. Todobaadkii hore ayaa al-Shabaab laga qabsadey magaalada Istraatiijiga ah ee Buuloberde ee Gobolka Hiiraan, Gobolada Dhexe waxaa ku harey ganacta al-Shabaab magaalada ay wada maamulaan Burcadbadeeda ee Xarardheere.
Ururka al-Shabaab ayaa ciyaaraya Istraatiijiyad aysan dooneyn in ay horey ka noqdaan kuwo jabey, waxaana ay markiiba si fudud uga baxaan meelaha looga awood roonaado iyaga oo la baxsanaya hubka iyo ciidankooda isla markaana dagaalkooda u beddala kuwo dhuumaaleysi ah.

0 comments:

Post a Comment