Friday, March 14, 2014

Waddamada Bariga Afrika oo Ciidamo u diraaya Koonfurta Suudaan


Waddamada ku yaalla Bariga Afrika ayaa la filaaya in ay Ciidamo nabad ilaalineed u diraan dalka Koonfurta Suudaan si ay u dardar geliyaan heshiiska xabad joojinta ee mucaaradka iyo Dowladda.
Madaxa kooxda qaabilsan dhex-dhexaadinta mucaaradka iyo Koonfurta Suudaan Seyoum Mesfin ayaa sheegay in ciidamadaan la diri doono bartamaha bisha soo socota ee April.
Ciidamada ayaa ka kala imaan doona waddamada Kenya, Burundi, Itoobiya iyo Rwanda, waxaana la filaaya sidoo kale in Jabuuti ay kusoo biiri doonto.
Shir madaxeedkii IGAD ee aan caadiga ahayn ee shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa si weyn loogu falanqeeyay xaaladda Koonfurta Suudaan.

0 comments:

Post a Comment