Friday, March 21, 2014

Turkiga oo xayiray Twitter

Khilaaf ayaa ka dhashay go'aanka Ra'iisalwasaaraha Turkigu uu xiyiraad ugu soo rogay barta bulshada ee Twitter.
Madaxweynaha Turkiga ayaa su'aal galiyay xayiraada uu soo rogay Ra'iisalwasaare Recep Dhayib Erdogan.

Waxa uu sheegay in ay tahay oo kaliye in la xayiro bogaga internet-ka ee shaqkhsiyaadka ay maxkamadda ku hesho in ay ku xadgudbeen nolosha gaarka ah ee dad kale.Cabdallah Gul ayaa twitter-ka soo dhigay in "xayiraad dhameystiran" oo lagu soo rogo baraha bulshadu ku wada xiriirto ay tahay wax aan la aqbali karin.Eedaymo musuqmaasuq

Erdogan ayaa ballanqaaday inuu khadka ka saari doono Twitter-ka kaddib markii loo adeegsaday in lagu faafiyo eedaymo musuqmaasuq iyo codad laga duubay oo ku saabsan wadasheekaysi gaar ah.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala internet ee waddanka Turkiga ayay u suuragashay in ay ka gudbaan xannibaadda habeenkii la soo rogay.
Erdegon ayaa sheegay in aanu dan ka laheyn jawaabaha ay beesha caalamka ka bixin doonto arrintan.
Twitter-ka ayaa si weyn looga adeegsadaa dalka Turkiga

0 comments:

Post a Comment