Monday, March 24, 2014

TARTANKII KUBADA CAGTA EE XAAFADA SHEEKH CALI JAWHAR EE DHAWAAN LA SOO GABAYEY AYAA ABAAL MARINTIISA MAANTA LA BIXIYEY


Boorame (RayoTvBorama)-Ururka Dhaliyarada ee SAYS ee magaalada Boorama ayaa maanta abaalmarino gudoonsiiyay kooxdii iyo ciyaaryahanadii ku guulaystay tartano isugu jiray kubada cagta iyo ciyaaraha fudud oo ku qabsoomay gudaha magaalada Boorama, Tartamadaas oo loogu magac daray TARTANKA WACYIGALINTA TAHRIIBTA.
Munaasabadan maanta ayaa waxa ka soo qayb galay Maayar ku xigeenka Boorama, Isuduwaha Ciyaaraha ee gobolka Awdal, Madaxda ururka SAYS, Xildhibaano ciyaaryooy iyo dadwayne kale
Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Ururka SAYS Md. Nuur Aadan Shirdoon waxana uu carabka ku dhuftay sida ay ugu faraxsan yihiin in tartankani guul ku dhamaado waxana uu yidhi “Waxa noo farxad ah in tartankani qabsoomo, waxana ay ka tarjumaysaa talaabadaasi in dhalintu ay u baahan yahay in lagala qayb qaato tatamada dhinacyada ciyaaraha, dhaqanka iyo madadaalada ah si hoos loogu dhigo ama dhalinta lagaga mashquuliyo ka fikirka Tahriibta, waxa kale oo ururka SAYS uu yahaymid hiigsigiisu uu yahay badbaadada dhalinta sidaas aawadeed tartankan iyo tartamo kale oo qabsoomi doona mustaqbalka ay sii wadayaan isla markaana ay marwalba heelan u yihiin inay is barbartaagaan dhalinta”
Agaasime Nuur oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa uu ururka SAYS ka marag kacayaa in tartankan wactigalinta tahriibta ahaa uu si wanaagsan u dhamaaday, sidoo kalena ay ka soo baxeen kooxo iyo shaqsiyaad mustaqbal leh oo hibo u leh xiyaaraha kala duwan ee isugu jira kuwa fudud iyo kubada Caga, kuwaas oo baahi wayn u qaba in tartamada loo joogteeyo, lagama taageero dhinacyada helitaanka garoomo lagu ciyaaro iyo qalabka ciyaaraha, waxana aan wasaarada Ciyaaraha ee Somaliland ugu baaqaynaa inay ogaadaan arintaas oo ay dhalinyarada taageeraan, sidoo kale waxa aan u mahadnaqaynaa dhalinyarada xaafada Sh. Cali Jawhar iyo Xildhibaan Mustafe Xayte oo xil iska saaray habsami u qabsoomida tartankaasi, waxana aan balanqaadaynaa inaan taageerno qabsoomida tartamo kale oo kuwan xiga”
Sidoo kale Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi Cilmi iyo Maayar Ku Xigeenka Boorama Md. Maxamed Faarax Dheerayste oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in tartamada noocan oo kale ah la iska kaashado, waxana ay hambalyeeyeen Ururka SAYS iyo Xildhibaan Xayte iyo dhalinyada Xaafada Sh. Cali Jawhar ee tartankan qabanqaabiyay, iyaga oo tilmaamay in ay mudan yihiin in lagu daydo, xukuumada dhexe iyo tan hoosana ay diyaar u yihiin in ay baahiyaha dhinacyada qabashada tartamada ciyaaraha ah iyo helitaanka goobo lagu ciyaaro iyo agabkii kale ee ciyaaraha ka taageeraan dhalinyarada”
Xildhibaan Mustafe Xayte oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka qayb qaadashada tartamada ciyaarahu ay tahay waajijib ka mid ah waajibaadadii loo soo doortay waxana uu yidhi “Waa waajib na saaran ka xildhibaano ahaan inaan dhalinta isla barbartaagno wixii wanaag ah ee ay wadaan, waxa aan sheegayaa in tartankan qabsoomay aanu qabsoomeen hadii aanu ururka SAYS taageerin, waxana aan ugu baaqayaa dhamaan ururada kale inay ku daydaan oo ay dhalinta is barbar taagaan, sidoo kale waxa aan tilmaamayaa in dhalinta xaafada Sh. Cali Jawhar ay dhiiranaan muujiyeen oo ay ku hamiyeen inay iskood isku abaabulaan oo ay tartamo kuwan oo kale ah qabtaan, waana talaabo kale oo ku dayasho mudan”
RAyo tv borama

0 comments:

Post a Comment