Friday, March 28, 2014

TARTANKA KUBADA CAGTA EE LOOGU MAGACDAREY MUUSE SODONLE OO KA BILAWDAY GAROONKA KUBADA CAGTA EE XAAJI DAAHIR


Borama (Rayotv ) Garoonka kubada cagta ee Xaaji Daahir Stadium waxa ka furmey galabta tartanka Kubada cagta ee loogu magac darey Muuse sodonle oo ka mid ahaa ciyaartooyadii hor ee kubada Cagta ee Magaalada Borama
Ciyaartooygaasi oo aad loogu xasuusto kubada cagta iyo firfiroonidii bu kulahaa kubada cagta 
Iyada oo ay noqonayso markii ugu horeysay ee kooxo wata magaca shirkadaha ay ku ciyaaraaan 
Tartan kubada cagta  kaasi oo ay ka qaybqaadanayaan lixiyo toban kooxood  oo lagu tilmaaya Heerka kowaad ee kubada cagta

Tartankan oo lagu taageerayo ciyaartooygan Muuse Sodonle oo hada ku xanuunsan Borama 
una baahan gar - gaar iyo taageero duco in uu Ilaahay caafiyo 
Waxana kla soo qayb galaya furitaanka wasiirka wasaarada boosaha iyo is gaadhsiinta somaliland 
Maayarku xigeenka Borama masuuliyiinta ururka Somadoon wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada 
Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Borama dhalinyaro u tiro badan  


DAAWO: WARBXIN LA XIDHIIDHA TARTANKA IYO SIDA UU KU BILAWDAY

Rayo tvBorama
Office Borama
Wariye Axmed Diiriye Ciiltire


0 comments:

Post a Comment