Tuesday, March 11, 2014

Song Oo Sheegay Inuu Dib Ugu Laaban Doono Horyaalka Ingiriiska

Ciyaaryahnka dhexda uga ciyaara Xulka Qaranka  Cameroon iyo Kooxda Barcelona a Alex Song ayaa sheegay inuu doonayno inuu dib ugu laabto Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kadib markii uu ka niyad jabay Horyaalka dalka Spain, isaga oo boos joogta ahna ka waayey kooxdiisa Barcelona.

Song oo oo kooxda Barcelona ku soo biiray 2012, kagana soo biiray kooxda Arsenal, ayaa isaga oo u waramaya beIN Sport yidhi "Haddii aan kooxda Barcelona ka tago waxaan tagi doona Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, waana ku laaban doona, taasina waa hubaal, markii hore aniga oo doonaya in aan heshiiska u cusuboonaysiiyo kooxdaydii Arsenal ayey Barceloni I soo dalbatay, sidaas ayaana ugu biiray”

0 comments:

Post a Comment