Thursday, March 13, 2014

Sidani waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gureynta Somaliland





Hargaysa (RAYOTV)-Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Gureynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa Maayarada dalka ugu baaqay in sida uga dhakhsaha badan u soo gudbiyaan Liiska dhulka Danta Guud ee ay hayaan 

Sidani waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gureynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhignaa sidan 

“Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo xeerarka iyo sharciga dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan liiska danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya. 

1-Danaha guud ee aad kala wareegteen Golihii Deegaanka ee idinka horeeyay 
2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen 
3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray 
4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo 
5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay 
6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo Tafaasiishooda idinkoo u soo kala saaraya adeegyada kala ah 
· Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha) 
· Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha) 
· Garoonada Ciyaaraha 
· Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH 
· Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada iyo wixii la mida 
Waxa Maayiyarada mar labaad lagu adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iyaga ooh al nuqul oo danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Gobol/Degmo mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu dambayn 21/03/2014 


Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara).ayuu ku yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Wareegtadaasi uu soo saaray 

0 comments:

Post a Comment