Wednesday, March 12, 2014

Shir lagu kala kacay oo ka dhacay magaalada Jowhar


Magaalada Jowhar goordhaweyd waxaa lagu kala dareeray Shirka socday magaaladaasi, kaasi oo looga hadlaye arimaha ku saabsan shirka maamulka Shabeele State.
Kulanka ayaa wuxuu udhaxeeyay Odayaasha Degan Degmada Jowhar, waxaana ay ka hadlayeen sidii ay uga soo horjeesan lahaayeen Maamulka Shabeele State ee Dhawaan deegaanka Ceelasha Biyaha looga dhawaaqay.
Intii uu kulanka socday ayaa Odayaasha waxa ay ukala jabeen labo garab, kadib markii Qaar kamid ah Odayaasha ay taageereen Maamulka Shabeele State,halka qaar kalena ay kasoo horjeesteen.
Odayaasha taageeray dhismaha Maamulka Shabeele State, ayaa sheegay in maamulkaasi uu yahay mid lagu dhisay rabitaanka shacbiga Gobalada Shabeelooyinka.
Kuwa kasoo horjeestay shirka dhankooda waxa ay sheegeen inaysan marnaba aqbali Karin in Maamulka Shabeele State uu ka shaqeeyo Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa suuragal ah in shirka dib la isugu soo noqdo Salaada Duhur kadib, ayna wadahadlaan Odayasha.

0 comments:

Post a Comment