Tuesday, March 18, 2014

Sheekh Cali Dheere Oo Ku Faanay In Cadowga Alle Lagu Jebiyay Weerarkii Ismiidaaminta Ee Deegaanka Carbiska


Sheekh Cali Dheere oo ku faanay in cadowga Alle lagu jebiyay weerarkii ismiidaaminta ee Deegaanka Carbiska.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu guul ka sheegtay weerarkii ay ku qaadeen kolonyadii Amisom, ee lagu weeraray deegaanka Carbiska ee duleedka Degmada Afgooye.

Afhayeenka, ayaa sheegay in kolonyo si wada jir ah u socotay, oo ay saarnaayeen Saraakiil Mareykan iyo Burundi u kala dhashay, ayna kaabayeen Ciidanka Dowladda, ayuu sheegay in uu isku qarxiyay Mujaahidi watay, gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Halkaan Ka Dhageeyso

Wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen shan nin oo u dhalatay Mareykanka, toddobo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Burundi ee Amisom iyo tiro uu ku sheegay, in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Dowladda.

Cali Maxamuud Raage wuxuu kaloo intaa raaciyay in weerarkaasi jab buuran loogu geystay waxa uu ugu yeeray cadowga Alle, oo uu ku eedeeyay in ay Soomaaliya ku soo duuleen.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab, ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan weerarada ismiidaaminta ee ceynkani oo kala ah, isagoo xusay in ay kaga jawaabayaan duulaanka cadowga ee Soomaaliya, sida uu yiri.

0 comments:

Post a Comment