Wednesday, March 26, 2014

Shabaab oo laga Saaray Ceel Buur



Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ayaa qabsadey degmada Ceel Buur oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia.


Afhayeenka hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Col Ali Hamud ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in AMISOM iyo ciidamada dowladda ay degaankaasi ka qabsadeen  Al Shabab oo muddo halkaasi ka talinayey.
Qabsashada Ceel Buur waxay qeyb ka tahay weerarada xooggan ee dhowaan AMISOM iyo dowladda Somalia ay sida wadajirka ugu qaadeen degaanada ay gacanta ku hayeen Al Shabab.

0 comments:

Post a Comment