Thursday, March 13, 2014

Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo Itoobiya u dhoofay


Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u baxay dalka Itoobiya halkaas oo ay uga qaybgalayaan shirkii 25 aad ee Dowladaha ku bahoobey IGAD.
Sida laga soo xiganayo xafiiska raysalwasaaraha, waxaa uu shirkaas ku soo bandhigayaa isbedaladii u danbeeyey ee Soomaaliya gaar ahaan hawlgalada ka socda qaar kamid ah gobolada kuwaas oo looga saarayo al-Shabaab.
Shirka Madaxda IGAD ee dhawaan ka furmaaya Itoobiya ayaa looga hadlaaya xaaladda gobolka gaar ahaan dagaalada Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya

0 comments:

Post a Comment