Tuesday, March 11, 2014

Ozil Waa Mid Ka Mid Ah Ciyaaryahanada Ugu Maskaxda Badan Yurub, Wuxuuna Noqon Doona Laacibka Ugu Wanaagsan Ingiriiska" Lahm



Lahm Oo Sheegay Inay Arsena Leedahay Weeraryahano Aad U Wanaagsan
Hargeysa (Somalilandsports) Kabtanka Kooxda Bayern Munich Philipp Lahm, ayaa Ciyaaryahanka reer Arsenal ee Ozil, ku tilmaamay Ciyaaryahanka aad u wanaagsan, una rajaayey inuu noqonay Ciyaaryahanka ugu fiican Horyaalka Ingiriiska, xilli ay Labadooda kooxood ay fooda is dari doonan.

 Philipp Lahm ayaa sidoo kale sheegay inuu  Mesut Ozil yahay Ciyaaryahan dabeecad wanaagsan, oo aad u degan, waxaanu yidhi "Ciyaaryahan walba ama cid walba oo la ciyaarta  Mesut Ozil uu garanaya waxa uu yahay, waxaana hubaa inuu ku guuleeysanayo Ozil, waxa uu doonaya, una ciyaarayo, taasina waa riyadiisa, waxaanu ka mid yahay Ciyaaryahanada ugu maskaxda badan Yurub,, waxaana ogahay inuu Tartan adag aanu kala kulmay Ozil, iyo Ciyaaryahanada Arsenal oo leh Weerarayahano wanaagsan, waxaana xaqiiqo ah in Ozil noqon doona Ciyaaryahanka ugu wanaagsan Ingiriiska,maxa yeelay waxa uu hadda jooga Horyaal uu ku cusub yahay, markiibana uu la qabsaday”

0 comments:

Post a Comment