Thursday, March 27, 2014

Muxuu ku saabsanaa shirkii markabka dushiisa ku dhexmarey Safiirada Midowga Yurub iyo Madaxweynaha Puntland?


Maalintii shalay ee Arbacada waxaa shir ku dhexmarey Markab dushiis dekedda BosasoMadaxweynaha Puntland iyo Safiiro ka socdey qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub, iyo wakiilada hay’adda cunada adduunka ee FAO.
Shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarey ka hortaga Burcadbadeeda iyo sidii daaha looga rogi lahaa barnaamij muddo socdey oo Kaluumeysatada Soomaaliyeed Database loogu samaynaayey.
Shirkan ayaa daaha looga rogey Databse ama keydin xogta Kaluumeystada Soomaaliyeed markii u horeysey, si loo hormariyo ka faa’ideysiga kheyraadka badda.
12-kii bilood ee la soo dhaafey waxaa iska diiwaangeliyey nidaamka Biometrics ah ee lagu diiwaan gelinayo kaluumeysata in ka badan 3500 oo kaluumeysato, waxaana laga qaadey sawiro iyo faraha sinjisooca.
Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya Luca Alinov ayaa isna sheegay in ay kaluumaysatada ka caawin doonaan sidii ay shaqooyinkooda si nabdoon u gutaan iyagoo aan wax dhibaato kasoo wajahaynin maraakiibta dagaal.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa soo dhoweeyay talaabadan cusub, wuxuuna sheegay in ay u sahli doonto maraakiibta dagaal ee u jooga howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda in ay kala saaraan Burcad badeeda iyo kaluumaysatada.
‘’ Qof walba oo Badda ku jira Burcad badeed ma ahaan, kaluumaysato mana ahaan. Database-kaan wuxuu naga saacidi doona in aan kala saarno Burcad badeeda iyo kaluumaysatada oo muhiim inoo wada ah’’, ayuu yiri.

Barnaamijkan daaha laga rogey ee diiwaangelinta Kaluumeysatada waxaa ka soo shaqeeyey hay’adda cunada adduunka ee FAO, waxaa la fududeeyey maamulka Puntland iyaga oo isticmaalaya hay’ado khibrad dheer u leh arrimaha burcadbadeeda oo xaruntoodu tahay dalka Maraykanka. Xogta iyo macluumaadka kaluumeystada Soomaaliyeed ayaa u muuqata mid ay gacanta ku haysanyaan hay’ado shisheeye
Xafladdii daaha looga rogey barnaamijkan cusub waxaa ka qaybgaley Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, ergayga Midowga Yurub Soomaaliya u qaabilsan Michele Cervone d’Uso, uqaybsanaha hay’adda FAO ee Soomaaliya Luca Alinovi, Safiiro ka socdey Midowga Yurub, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Midowga Yurub ka jooga xeebaha Soomaaliya ee ku hawlgala magaca EUNAVFOR.
Barnaamijkan ayaa ah mid lagu kala saarayo kaluumeysatada iyo brucadbadeeda ka qawlaysata xeebaha Soomaaliya.
Kaluumeysatada Soomaaliya ayaa dhibaato xoogleh kala kulma maraakiibta shisheeye, kuwaas oo u qabsada in ay yihiin Burcadbadeed, sidoo kale waxaa badaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Puntland ku jira maraakiib ajaanib leedahay kuwaas oo sharci darro kaga kaluumeysta halkaas, inkastas oo ay yaraadeen sidii burcad badeedu u soo abxdey ayaa la shegayaa in maalmahan danbe ay sii xoogeysteen.

0 comments:

Post a Comment