Wednesday, March 12, 2014

Mudaaharaadyo rabshada wata oo ka dhacay dalka Turkiga



Qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga ayey xalay ka dhaceen mudaharaadyo looga soo horjeedo xukuumada Erdogan, kadib markii uu dhintay wiil 15 jir ah oo ku dhaawacmay xiisadihii sanadkii hore ka dhacay dalkaasi.
Wiilkan lagu magacaabo Berkin Elvan oo 15 sano jir ah ayaa horey ugu dhaawacmay banaanbaxyadii ka dhacay Turkiga bishii June ee sanadkii hore 2013, kadib markii madaxa uga dhacay daasada sunta dadka ka ilmeysiisa oo ay booliiska adeegsadeen, wuxuuna muddo sanad ku dhaw ku jiray Koomo.


0 comments:

Post a Comment