Sunday, March 30, 2014

Miisaaniyadda Dawladda Somalia oo Gaareysa $218 Milyan


Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in dawladda ay kordhinayso dakhliga kasoo xarooda gudaha in ka badan 50% sanandkan. Waxa wasiirku uu maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya isaga oo u bandhigay miisaaniyadda sannadkan soo socda oo la saadaaliyey 218 milyan oo dollar. Wasiirka oo waraysi siyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ku dhowaad kala-badh miisaaniyadda ay saadaalinayaan inay kasoo xarooto gudahe. 



Xigasho VOASOMALI

0 comments:

Post a Comment