Friday, March 21, 2014

Microsoft oo soo gabagabeysay sameynta Windows 8.1 Update 1

Microsoft  ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in dhawaan ay soo saari doonto canjalada ah Windows 8.1 update, kaas oo lacadeeyay in si rasmi ah aduunka loogu shaacin doono bisha April dhaxdeeda.
Canjalada  Windows 8.1 Update 1 ayaa waxa ay noqoneysaa Window-kii ugu danbeeyay ay shirkada soo saarto kaas oo loo isticmaalayo in Computer-ka looga shaqeysiiyo.
Microsoft ayaa sheegtay in  Windows 8.1 uu ahaan doono mid wax badan kaga duwan  Windows 8 kaas oo suuqa kaga soo horeeyay waloow meelo badan ay iska leeyihiin.
Shirkada Microsoft ayaa waxa ay soo saartay Link kaas oo sameenaayo Update oo loogu talagalay in shaqsiga doonaayo in uu isticmaalo uu sii diiwaangishada ka hor inta aan lasoo saarin.
Microsoft ayaa waxa ay rajeyneysaa in ay suuqa ay soo galiso Windows 8.1 Update 1 taariikhda marka ay tahay 8-da bisha April ee sanadkaan .

0 comments:

Post a Comment