Sunday, March 16, 2014

Maxamed Suleymaan Tubeec oo La Aasay


Waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay Allahu naxariista Boqorka Codka Maxamed Suleymaan Tubeec oo maalmo kahor geeriyooday.
Aaska qaran ayaa ka dhacay Iskuulka Boolisia, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed.
Diyaaradda Turkish Airways ayaa subaxnimadii hore ee maanta meydka marxuumka kasoo dejisay garoonka Aadan Cadde, waxaana loo gelbiyey xarunta Iskuul Boolisiya oo salaada janaasada loogu tukaday.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka, isagoo Alle uga baryey in uu jannada ka waraabiyo.
“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabka iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fanaankeena qaaliga ah. Tubeec waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta hal doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri.
Allahu naxariiste Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa lahaa taariikh dheer oo dhanka fanka ah, waxaana fanka Soomaaliya ku biirey dhamaadkii Kontomaadkii, isaga oo loo aqoonsadey in u ahaa kan ugu codka toolmoon fanaaninta Soomaaliyeed.

0 comments:

Post a Comment