Tuesday, March 25, 2014

Masar: 700 ayaa maxkamad la soo taagay


Masar waxaa ka billaabatay maxkamadaynta 700 oo ruux oo ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinta.
Waxa loo haystaa inay sanadki hore sameeyeen dibadbaxyo rabshado watay.

Mas'uuliyiinta Masar waxaay sheegeen in uusan maxkamadda ka soo muuqanayn Badiic sababo amaanka la xiriira awgood.Dadkaas la adeeyay waxaa ka mid ah Madaxii dhaqdhaqaaqaasi Maxamad Badiici.

Eedaysanayaasha badankooda waxaa la maxkamadaynayaa iyagoo ka maqan maxkamadda.
Lixdan qof oo kaliye ayaa maxkamadda ka soo muuqday.
Maalin ka hor ayay isla maxkamadan xukun dil ah ku riday 529 ruux oo taageerayaal u ah Ikhwaanul Muslimiinka.


Dowladda uu taageero militeriga ayaa olole ku qaadday Ikhwaanul Muslimiinka
Xukunkaas maxkamadda si weyn ayaa loo cambaareeyay, iyadoo maxkamadda go'aan gaartay labo fadhi oo kaliye kaddib.
Mas'uuliyinta Masar ayaa olole ku qaaday ururka Ikhwaanul Muslimiinka tan iyo markii militerigu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi.
Kumanaan kun oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la xiray iyadoo boqolaal kalena la dilay.

0 comments:

Post a Comment