Saturday, March 29, 2014

Marwa Fowsiya Yusuf Xaaji oo ka Mid Noqotey Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya


Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Adam ayaa maanta oo Sabti ah ka mid noqotey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanimada ayaa si rasmi ah logu dhaariyey, waxaana booska u baneeyey Xildhibaan Ismaaciil Xasan.Mar sii horeysey ayaa qaar kam id ah warbaahintu qoreen in Fawsiyo ay dooneyso in aysan siyaasadda ka bixin isla markaana ka mid noqoto Xildhibaanada maadaama aysan ku guuleysan in ay ka mid noqoto mar kale Golaha Wasiirada. Warbaahinta ayaa sheegtey in Fawsiya, isla xildhibaanka ay booskiisa ku soo gashey Ismaaciil Xasan kaga iibsatey xilka lacag gaareysa boqolaalkun oo Dollar gaareysa, marka laga yimaado kala iibsiga warbaahinada qaarkood sheegteen ma jirto caddeymo ay soo bandhigeen.
Fawsiya ayaa siyaasadda Soomaaliya hal mar lagu dhex arkey sanadkii 2012, markaas oo loo magacaabey Wasiirka Arrimaha DIbadda xukuumaddii Saacid, horey waxay ugu ol-oleyn jirtey gooni isu taaga Somaliland, mar ayey Somaliland kaga dhawaaqdey Xisbi la yiraahdo NDP, waxayna ku guuldaraystey in Xisbigeedu noqdo mid la diiwaan gash

0 comments:

Post a Comment