Saturday, March 15, 2014

Maqaal : Faalada Xorta Ah


Waxaan maanta ku soo qaadanayanaa socdaalkii Madaxweyneha Somaliland ee Gobolada galbeed ee reer Awdal gun dhiga u ahaayeen
Hadaba waxaan maanta waa u baryey umada Reer Awdal  Sababtoo ah waa Markii ugu horeysay ee taariikhda somaaliada  madaxweyne markaliya saddex Dhagax dhig u sameeyo reer awdal
Saddexdaasi dhagax dhig oo kala
Markii ugu horesay wadada isku xidha Dila iyo kala Baydhka  oo ahayd laf kaluun oo dhuun gashay dhakhtarna loo waayay
Waxa markliya lagu baraarugay laftii oo dhkhtar loo helay  oo laga soo ladnaaday Xumadii ugu darnayd ugu dambeytiina caafimaaadku waa soo dhutiyaayaye
Mar qudha laga bogsaday xanuunkii galaaftay kumaanan Reer Awdal ah
oo u dhintayena xanuunkaasi 
Waxa kuwaa u dhintay lagu ilooobey  dawada loo helay jikaasi ee ahaa Hoyga Geerida ahaa
Caafimaadkii waa uu sii durkoo  durduraa lagu tagi doonaa bada Saylac iyo Centerkii Lugyhayaad ee dhamaan dadka Reer Awdal u oomanayeen
Mudo badan horaa loo yidhi kaliishiii geel yablayday  markuu gugu soo yabyabo
Wuxuu ku yaabaaal baxaa yaaburga Hawd ku yaala
Markaa sidaasi waxa ku sifeysan dadka Reer  Awdal  ee Duriyada  ah  Nabad jaceylka waligoodba.
 Horaa loo yidhi samaraa sadkii ma waayo  waa ay samreen maantana waa ay heleen
Waxay mudanaayeen  ku darsoo waa umada taqaana  Abaalka loo galo
Weyna u gudi doonaan  Madaxweyanaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
wuxuu u galay wayna arkaan  halka waxa marayaan
Haday Lughya dhisantana inta uu Madane Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyoi joogo )
Waa loo Abaal gudi  dhiishii uu cugayna caanaheedii waa loo hayaa
Dhinaca kale waxa uu saameyn ku yaashay  Madaxweyne Siilaanyo
qalbiyada inta jecel horumarka
waxay dadka Reer Awdalwaxay ugu Heesayaan 

Waxaad tahay hogaan loo huro naftee waligaa na hogaamiyoo fulaa ka baqa Fagaaraha  ku soo noqo markale fagaaraha  sidaadad noogu listay aan kuugu Lisnee  mudane Madaxweyne kuwan sidaadi ku leh waa umada Reer Awdal oo ka aarg kacay hanaanka iyo hawlwanaaga dalka aad u hayso iyo hogaamintiisa 


WARIYE HOORI AXMED HOORI

BORAMA 

0 comments:

Post a Comment