Tuesday, March 11, 2014

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO AYAA MAANTA XADHIGA KA JARAY DARIIQA DILA IYO BORAMA ISKU XIDHA WAXAN UU MADAXWEYNUHU DHAGAX DHIGAY DARIIQA SAYLAC IYO BORAMA ISKU XIDHA


Borama (Rayotv) Madaxweynaha Somaliland dr. Axmed Maxamed Maxamuud (siilanyo) Iyo wafti uu hogaaminayo oo iskugu jiray wasiiro xildhibaano ka tirsan Golaha  wakiilada iyo guurtida somaliland  ayaa safar shaqo ku yimid Magaalada Borama
Waxana soo dhaweyn diiran loogu sameeyey degmada Dila ee gobolka Awdal intii uuna Madaxweynuhu soo gaadhin  degmada Dila waxauu  soo dhagax dhigay  jidka u dhexeeya degmada Dila iyo kala Baydh kaasi dhinbaato badani ka jirto
Mudane e Axmed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray  dariiqa u dhexeeya Dila iyo Borama oo ay gacan ta ku haysay dhamaystirkiisa iyo sameyntiisaba hayada wadaniaga ah ee Asarda.
iyada oo ay xukuumado kaalinta ugu badan ay ka gaysatay jidkaasi
sidoo kale waxa uu madaxweynuhu waxa uu maanta dhagax dhigay
jidka u dhexeeya magaalada Saylac iyo magaalada Borama
ka dib markii intaasi laga yimid ayaa waxa uu kulan ka dhacay
Hoolka Jaamacada Camuud oo ay iskugu yimdaaadeen  masuuliyiinta xukuumada somaliland qaranka somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha somaliland wasiiro tirobadan
oo ay ka mid yihiin Arimaha dibada Arimaha gudaha warfaafinta  Beeraha Gaashaandhiga  Caafimad Waxbarashada ku xigeenka wasaarada Qorsheynta Boosaha iyo isgaadhsiinta saraakiisha ciidamada somaliland iyo maamulka heer gobol, ka heer  degmo  iyo marti sharafka aad u tiro badan  masuuliyiinta hayada Asarda  aradayda jaamacada  camuud iyo maamulkooda.
ugu horeyntii waxa ka hadlay gudoomiayah haayada Asarda Cabdilaahi Xaaji Ciise oo ka waramay waxqabadkoodii  mahadnaq balaadhan ugu mahad celiyey xukuumada  talada hada haysa ay waxyaabo badan la qabtay isagoo dhamanaba u mahad celiyey cidkastoo ka gacan gaystay dariiqan maanta xadhaiga laga jaray
suldaan cabdiraxamaan jaamaca dhawl oo ku hadlaya afka suldanaada gobolada awdal slal iyo gabiley waxa uu sheegay in uu aada ugu farax sanyahay waxqabadka Asarda xukuumada iyo madaxweynahana ay doonayaan in si weyn ay ula hadlan
iyaguna dhankooda wax aaan ka maqneyn ganacsato halkaasi ka hadashay waa dahabshiil iyo telsom oo qaybtooda dariiqan ka qaatay.
 Gudoomiyaha Jamacada Camuud  Saleeban Axamed Guuleed Gudoomiyha Degmada Borama Saleebaan Xasan Xadi ku simaha Gudoomiyaha gobolka Awdal  Cabdiraxaman Nuur  Sugaal masuuliyiintaasi waxay qireen waxqabadaka xukuumada Axmed Siilaanyo .
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade waxa uu sheegay in gobolada somaliland uu qiimeyn wasaarada arrimaha guduhu ku samaysay uu gobolka Awdal kalina kowaad galay Wasiirka wasaarada gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami  ayaa waxa uu ku soo dhaweeyey madaxweynaha soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo markii uu qubada qaatay ay dhamaanba dadkii hoolka ku jirey ay sarakaceen waxana uu madaxweynuhu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay waxqabadka xukuumadiisu ay ku talaabsatay waxan uu dhamaan u mahad celiyey  cidkastoo dariiqa horu markiisa ka qaybqaataday waxana uu sheegay in uu hambalyo hambklayo u dirayo dadka reer soomaliland madaxweyanaha  ayaa maanatana qado sharaf balaadhan loogu sameeyey hotleka rays
iyada oo galabtana ay baxeen madaxweynaha iyo waftigiisii oo ay socdaal ku tageen  xagaa iyo maagalada saylac ee gobolka salal.

Wariye Axmed Diiriye Ciiltire 
RAYO TV Borama Office 
somaliland 

0 comments:

Post a Comment