Thursday, March 13, 2014

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirka difaaca iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga Jabuuti


Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii danbe safar shaqo ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Wasiirka Difaaca Djibouti, masuuliyiinta rugta ganacsiga Djibouti, mamulka dakadaha ee Djibouti iyo mamulka sare ee shirkadda telecommunicationka Djibouti.
Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinta uu la kulmay waxa ay si faah-faahsan isula soo qaadeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Djibouti, ka wada shaqaynta amaanka iyo arrimo kale.
Kulanka ka dib, masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Djibouti oo ay horkacayaan Wasiirka Caddaalada Djiboti Aadan Xassan Aadan, Safiirka Dowladda Djibouti u qaabilsan Somalia Dayid Dubbad Rooble iyo xubno kale ayaa wafdiga Madaxweyne Gaas u kexeeye xarumo kala duwan oo dalkaasi Djibouti ku yaalla.
Wafdiga ayaa booqday dekedda Djibouti, waxaana looga waramay qaabka ay u shaqayso iyo maamulkeeda, waxaa kale oo ay booqdeen xarunta isgaarsiinta waddanka Djibouti iyo wasaaradda gaashaan dhiga Djibouti halkaas oo looga warbixiyay wafdiga Puntland siyaabaha kala duwan ee ay xarumahaasi u howl galaan.

0 comments:

Post a Comment