Tuesday, March 25, 2014

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa booqdey Ciidamada Puntland ee Galgala fadhiya


Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta oo Salaasa ah booqdey ciidamada difaaca ee Puntland sida Daraawiishta iyo PSF ee ku sugan Buuraha Galgala gaa halkaas oo ay ku horfadhiyaan kooxo ka tirsan ururka al-Shabaab.
Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere, Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka PSF iyo Booliska iyo weliba qaar kamid ah golaha wasiiradda.

Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan ciidanka ka dhegaystey taliyaha ciidanka daraawiishta aaga Galgala, Col.Maxamuud Cabdulqaadir Xasan, kaas oo dhawaan xilka loo magacaabey, waxaana taliyuhu sheegay in mooralka iyo niyadda ciidanku uu yahay mid sareeya isla amrkaana ay u babac dhigayaan cidkasta oo ku soo gardaroota Puntland.Madaxweynaha ayaa u khudbeeyey ciidamada Puntland ee al-Shabaabka ku horjooga Buuraha Cal Madow, Waxaana uu u sheegey in ay yihiin geesiyaal naftooda dalka u hurey, dowladiisuna si dhaw uga warqabi doono, Dr.Cabdiweli ayaa yiri haddii aan nahay Puntland waan isaga filanahay al-Shabaab iyo cid kasta oo soo haweysta ciidda Puntland, madaxweynaha ayaa u ballan qaadey ciidanka in ay joogto u heli doonaan dhamaan xuquuqdooda si gaar ahna uga warqabi doono.
Madaxweynaha ayaa yiri: “Waan ballan qaadayna in Al-shabaab badan ay u dhiman doona dilkii ay u gaysteen Jaamac Afguduud , Axmed Godane iyo Yaasiin Kilwe iyo kuwo la mid ah oo AL-shabaab ka tirsan ayaa u dhiman doona dilkii ay korneel Jaamac u gaysteen, waxaana ognahay in Al-shabaab ay kusoo duuleen dadka iyo dalka laakiin waa iska dhicinaynaa Insha Allaahu ” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa isla goobtaas ugu duceeyey ciidamadii ku dhintey difaaca jiritaanka Puntland, waxaana Madaxweynuhu ku tilmaamey in ay ahaayeen shuhaddo kuwaas oo u danbeeyey Col.Jaamac Warsame.
Booqashada Madaxweynaha ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan koox ka tirsan al-Shabaab gaadmo ku dileen Taliyihii ciidanka daraawiishta ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame. Sidoo kale Booqashadan ayaa imaaneysa iyada oo dilka Taliyaha maalin ka hor Madaxweynaha Somaliland booqdey Laasqorey. Puntland ayaa Somaliland ku eedeysey in ay gacan buuxda siiyaan al-Shabaabka ku jira buuraha Galgala.
source Horseed Media

0 comments:

Post a Comment