Tuesday, March 11, 2014

Madaxweynaha Barcelona oo oo isbar bar ku sameeyey kooxdiisa, Manchester City iyo PSG





Madaxweynaha kooxda Barcelona  Josep Bartomeu, ayaa sheegay in aanay kooxdiisu la mid ahayn kooxaha  
Manchester City iyo Paris Saint-Germain.oo ka mid ah kooxaha Aduunka ugu qancisan, iyada Labadan kooxood ay soo iibsadan Ciyaaryahanada ugu wanaagsan aduunka.
Haddaba iyada oo muddooyinkii dambe kooxda Barcelona lagu eedayeynayey inay Neymar ka bixisay Lacag aan sharci ahayn,sifaha kala iibsiga Ciyaaryahanadana aan soo marin isla markaana Madaxweynihii hore ee kooxda Barceloni uu isku casilay eedahaas, ayaa Madaxwenyaha hadda ee Barcelona oo ka hadlaya kooxdiisa iyo kooxaha Manchester City iyo PSG, ayaa yidhi isaga oo u waramaya BBC-da "Sanadihii ugu dambeeyey waxa soo baxayey kooxaha ay leeyahay qof gaar ahi, kaas oo lacagta  uu doono sida uu doono u bixya, sida kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain, balse Kooxda Barceloni kooxahaas wey ka duwan tahay,oo si xadidan oo sharciya ayaanu dakhligayga u maamulnaa”.
Madaxweynaha Barcelona oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi " Waxaanu nahay koox weyn, waxaanu nahay kooxda ugu weyn aduunka”. 

RAYO TV BORAMA

0 comments:

Post a Comment