Wednesday, March 26, 2014

Kolonyo ka tirsan ciidamada Sierra Leone ee AMISOM oo lagu qarxiyey magaalada Kismaayo



Ciidamo ka tirsan AMISOM isla markaana ka socda dalka Siiraliyoon ayaa qarax lagula beegtey magaalada Kismaayo.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in uu khasaare gaarsiiyey ciidamada, sida ay noo sheegeen goob-joogayaal aan la xiriirnay, lamase oga khasaaraha rasmiga ah.
Ciidamada ayaa rasaas ku furay aaga qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka cararay dadkii, wararku waxay sheegayaan in ciidamadu ay baaritaano ka bilaabeen xaafada Dalcadda.
Ganacsiga Aaga qaraxu ka dhacay ayaa weli xiran.
Magaalada kismaayo waxay deris la noqotay falal amniga ka dhan ah toddobaadyadii dambe, waxaana inta badan lagu eedeeyaa kooxda al-shabaab ee Soomaaliya oo ka soo horjeeda maamulka Jubba iyo dowladda dhexe.

0 comments:

Post a Comment