Tuesday, March 18, 2014

Kenya: Soomaali lagu qabtay Mombasa oo lagu eedeeyey al Shabaab




Booliiska Kenya ayaa shalay (Isniin) gacanta ku dhigay labo nin oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyey inay qorsheenayeen weeraro bambaano oo laga fulin lahaa magaalada dekkadaleh ee Mombasa.
Labada nin ayaa la sheegay in mid uu heysto dhalashada Kenya. Labadan nin ayaa lagu wadaa maanta oo Talaado ah in maxkamada lasoo taago.
Booliiska Mombasa ayaa sheegay in raggan ay baaritaan ku sameeyeen dhaq dhaqaaqooda kadib markii la helay xiriirka isgaarsiinta oo ay la sameenayeen xubno la sheegay inay yihiin Al shabaab oo ku sugan gudaha Soomaaliya.
Raggan ayaa markii la qabtay gurigooda laga helay sida Booliiska uu sheegay labo bambaano iyo taleefonada gacanta.
Booliiska ayaa sheegay in raggan ay qorsheenayeen in ay bambaanooyinkan ku qarxiyaan goobo kamid ah Mombasa xili dhow, balse lagu guuleystay in laga hortago.

0 comments:

Post a Comment