Thursday, March 13, 2014

Kenya oo cadaadis xoog leh ku heysa Qaxootiga Soomaalida

Dowlada Kenya ayaa wada olole ay ku dooneyso inay dib u celiso qaxootiga Soomaalida, isla markaana ku baaqday hirgelinta hes
hiiskii November 2013
Dowlada Kenya ayaa diiday inay diiwaangeliso qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda soogalaya, xili ay sheegtay in la bilaabay dib u celinta Soomaalida ku jira xeryaha qaxootiga.
Hay’adaha Xaquuqul Insaanka sida Amnesty international oo warbixin kasoo saaray xaalada dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan wadanka Kenya, ayaa si weyn u cambaareeyey falalka ay ku kaceyso dowlada Kenya.
“….Booliiska iyo hay’adaha amaanka waxay wadaan xariga iyagoo aan si kala sooc lahayn u bartilmaamsanaya Qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna tani u muuqataa inay tahay cadaadis lagu doonayo in Soomaalida lagu khasbo inay dalkooda dib ugu noqdaan…”ayaa lagu yiri Warbixinta Amnesty oo ciwaan looga dhigay “..No Place Like Home..”
Kuxigeenka madaxa Amnesty ee Bariga Afrika Sarah Jackson ayaa sheegtay in marxalada ay hada ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ay tahay mid aad u adag isla markaana ku khasbeysa in Soomaali badan ay dalkooda dib ugu noqdaan, xili ay dagaaladii ay kasoo qaxeen ay weli ka socdaan wadankooda.
Balse dowlada Kenya ayaa ku doodaysa in xaalada Soomaaliya ay hada degen tahay, isla markaana waxay xukuumada Kenya ugu baaqday dowlada Soomaaliya inay dar dar geliso heshiiskii bishii November 2013 ka dhacay magaalada Nairobi.
Heshiiskaasi sadex-geesoodka ahaa oo ay wada saxiixeen dowlada Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa qorayey in qaxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celiyo, muddo 3 sano gudaheed ah.
Hase yeeshee dowlada Kenya ayaa dooneysa in hawshan la dar dar geliyo, halka dowlada Soomaaliya oo horey heshiiskan u saxiixday ay u muuqato mid aan u diyaarsaneyn wax qorshe ah oo ku aadan Qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo dowladaasi weli ku guuleysan inay sugto amniga dalkeeda.
Heshiiskii dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee dowlada Federaalka Soomaaliya saxiixday10kii bishii November 2013, ayaa horey loogu sheegay inuu ahaa mid ay ku deg degtay dowlada Soomaaliya xili aysan xukuumadaasi awood u lahayn inay wadankeeda maamusho.
Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiligii ay heshiiskaasi saxiixayeen sheegay in aan qaxootiga khasab lagu celin doonin, balse la caawin doono dadka raba in iskood ay u noqdaan, waxaana muuqata in qaxootiga lagu khasbayo inay isaga baxaan Kenya.
Waxaana heshiiskaasi si weyn u cambaareeyey qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya oo u arkay inuu ahaa heshiis dowlada Kenya wadada ugu xaareyso inay si khasab ah dib ugu celiso wadankooda.
Sanadkii lasoo dhaafay 2013 ayaa la sheegay in qaxooti ka badan 42 kun oo Soomaali ah gaareen dalka Kenya, halka in ka badan 60 kun oo Soomaali ah ku baro kaceen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

0 comments:

Post a Comment