Monday, March 17, 2014

HOTEL LAGU MAGACAABO TAWXIID AYAA LAGA FUREY MAGAALADA BORAMA XADHIGANA LAGA JARAY MAANTA



Borama(RAYOTV BORAMA) Badhasaab ku xigeenka gobolka awdal ahna kisamah badhasaabka mudane.c/raxmaan nnur sugaal ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray hotelka tawxiid oo laga hirgeliyey magaalada Borama Isla Markaana Noqonaya Mid Dhismihiisu uu Yahay Mid Casri ah.
Munaasibad aad Uu Balaadhan Oo Loogu wanqalayo Hotelka Cusub Ee Tawxiid ayaa waxa ka soo qayglaya madaxda heer gobol iyo heer degmo,saladiin,aqoonyahan culumoawdiin,Ganacsato,Shirkada Telesom.
Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay mulkiilaha Hotelkan casriga ah ee TAWXIID HOTEL Xaaji C/qaadir Aadam Nuur ahna gudoomiyaha shirkada isgaadhsiinta casriga ee TELESOM Boorama waxa uuna ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa iyo waqtigii dheeraa ee uu dhismaha Hotelkani soo socday,kaas oo uu sheegay in mudo dheer uu socday dhismihiisu.
Mulkiilaha Hotelkan ayaa sidoo kale ka warbixiyay mudadaas dheer ee uu dhismihiisu socday in ay ku dadaalayeen in ay wanaajiyaan qurxiyaana tayada iyo bilicda Hotelkan alla mahadiina uu maanta ay u fadhiyaan in ay xadhiga ka jaraan,Sidoo kale Gudoomiye C/qaadir ayaa sheegay in hotelkani yahay mid casriya oo hurdo ah iskuguna jira kuwo kali kali ah iyo kuwo qoys oo casri ah.
Gudoomiye C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in adeegyo casriya oo raali galin doona macaamiisha ay ku soo kodhiyeen Hotel TAWXIID,Sida Enternetka TELESOM Oo xawaarihiisu mid la yaableh yahay,nadaafada iyo shaqaalo u jajaban hawshooda.
Ugu danbayn Gudoomiye C/qaadir ayaa u mahadnaqay dadwaynihii ka soo qaybgalay munaasabadan gaar ahaan saraakiisha sarsare ee Shirkada Telesom oo ka soo qayb galay munaasabadan isaga oo hoosta ka xariiqay in fadliga eebe ka sokow Telesom Shaqada telesom uu u hayo ay suuragalisay in uu dhisto Hotelkan casriga ah.
Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay Marti sharaftii ka soo qayb gashay oo iskugu jiray Ganacsato,culumo, salaadiin,aqoonyahano, Maamulka Gobolka Awdal,Qurba joog  iyo marti sharaf kale waxa ayna dhamaantood ka makhraati kaceen in Gudoomiye C/qaadir yahay shakhsi wanaagsan oo ku dayasho Mudan iyaga oo alle uga baryay in Hotelkan Casriga ah ee magaca fiican xanbaarsan alle u barakeeyo,waxa kale oo ay sheegeen in Gudoomiye C/qaadir ka mid yahay Ururka ASARDA ahaana shakhsigii ugu horeeyay ee ku riyooday wadada haatan asarda faraha ka qaaday ee Dilla ,Boorama iyada oo laamiya.
Si kastaba ha ahaatee Hotelkan Tawxiid ee maanta xadhiga laga jaray ayaa noqonaya Hotelkii ugu horeeyay ee magacan Tawxiid oo kale wata ee laga hirgaliyo Somaliland waxa uuna magaciisani soo jiitay Dadwaynaha kala duwan ee ku kala nool daafaha iyo gudaha Somaliland gaar ahaan Magaalada Boorama waxaana uu noqonayaa mid ku soo kordhiya Boorama Bilic Iyo Horumar la taaban karo oo uu sameeyay Shakhsi aan ahayn Qurba joog.

0 comments:

Post a Comment