Monday, March 17, 2014

Guddoomiyaha Degmada Xarfo Gobolka Mudug oo Maxkmaddu Caddeyn u Weydey Denbigii Loo Xiray




Maxkamada derrajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo isniin ah soo xirtay dacwad loo haystay gudoomiyaha degmada Xarfo ee gobolka Mudug Cabdulaahi Faarax Bayle iyo saddex eedaysane oo kale.
Gudoomiyaha iyo saddexda ruux ee kale ayaa dhamaantood waxaa loo haystay fal la xiriira musuq-maasuq iyo inay lunsadeen raashin degmada la geeyey qaybna ka ahaa deeqdii Turkiga.
Maxkamada ayaa amartay in la sii daayo gudoomiyaha degmada Xarfo Cabdulaahi Bayle markii lagu waayey dacwadii loo haystay ee lunsashada ahayd.
Docda kale, maxkamadu waxay min saddex sano oo xarrig ah ku xukuntay saddexdii eedaysane ee kale oo ay ku jiraan darawalkii iyo mulkiilihii gaariga raashinka qaaday, kuwaas oo maxkamadu sheegtay in ay ku cadaatay in ay iyagu raashinka lunsadeen.
Gudoomiyaha degmada Xarfo Cabdulaahi Bayle oo weriyaasha kula hadlay maxkamada, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in la sii daayo, wuxuu intaas ku daray in uu dadka u sheegayo inuu kiiskaas ku ahaa dulmane.

0 comments:

Post a Comment