Friday, March 28, 2014

Djibouti oo ka hadashay howlgalada ka dhanka al-Shabaab


Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay howlgalada ka dhan Ururka al-Shabab ee ka socda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo ay qaadeen Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u waramayay warbaahinta wasiirka - ayaa sheegay in howlgaladan hadafkoodu yihin sidii gobolada ay haystaan al-Shabaab looga xoreyn lahaa isla markaana laga hirgeliyo maamulo.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka ka socda Geeska Afrika ee Burcadbadeednimo iyo argagixiisnimo ay la xiriirto xaaladda Soomaaliya, siduu sheegay.
‘’Nabadsugida Soomaaliya meel fiican bay maraysa, hadafka howlgalada waxaa weeye in Xukuumadda Federaalka dhulalkii la xoreeyay gacanta ku dhigto oo maamul sameyso,” ayuu yiri Wasiirka.

0 comments:

Post a Comment